Somali News
    Hees  

Boubacar Diarra: "Dowladda Somaalia waa inay sameysaa baaritaano ku saabsan cida ka dambeysa beegsiga Wariyayaasha..."

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Boubacar Diarra: "Dowladda Somaalia waa inay sameysaa baaritaano ku saabsan cida ka dambeysa beegsiga Wariyayaasha Cadaaladana ay horkeento Ciidamada AMISOM-na waxay diyaar u yihiin inay..."

Ku xigeenka Ergayga Midowga ee arimaha Soomaalia Boubacar Diarra oo Warbaaahinta War Saxaafadeeed kasoo baxay Ururka Midowga Africa ayaa sheegay inay si aad ah uga xun yihiin Dilalka lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeynaya Xaalada adag ee ka jirta Wadankeena.

"Dowladda Somaalia waa inay sameysaa baaritaano ku saabsan cida ka dambeysa beegsiga Wariyayaasha Cadaaladana ay horkeento Ciidamada AMISOM-na waxay diyaar u yihiin inay ka caawiyaan Askarta Dowladda soo qabashada Kooxaha joogteeyay dilalka Saxafiyiinta " ayuu yiri Boubacar Diarra.

Ku xigeenka wakiilka Midowga Africa ee arimaha Soomaalia Boubacar Diarra dilalka uu sida gaarka ah u cambaareeyay ayaa waxaa kamid dilkii Magaalada Muqdisho rag hubeysan ay ugu geysteen 12kii Bishan Yuusuf Cali Cusmaan oo katirsanaa Wasaarada Warfaafinta Soomaalia .

Ilaa iyo hor ahaantii Sanadkan ayaa Soomaalia waxaa lagu dilay 8 Saxafi waxaana wax ka qabashadii arintaasi lagusoo koobay Cambaareeyn balan qaadka in gacanta lagu dhigi doona Kooxaha falalkaasi ka dambeeya iyadoona Dowladda Soomaalia oo dhamaan Wariyayaasha lagu dilay deegaanada ay ka taliso aysan wali usoo qaban dilalka Saxafiyiinta.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)