Somali News
    Hees  

Xaggee ay Mareen lacagihii Olympic Solidarity ay ugu Talo Gashay Diyaarinta Zam Zam iyo Moxamed [Xog Rasmi ah]

Holland Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaggee ay Mareen lacagihii Olympic Solidarity ay ugu Talo Gashay Diyaarinta Zam Zam iyo Moxamed [Xog Rasmi ah]. 

 
Sida aanu ka war qabno beryahaan bahda sportiga Somaliya gaar ahaan iyo shacabka Somaliya guud ahaan waxey la hadal haayeen ka qeyb galka cayaartoyda Somaliya ugu qeyb gasahy cayaaraha London Olympics 2012.
 
Waxaa murugo badan leh in afka la marsado kharajkii Olymic Solidarity ugu talo gashay diyaarinta cayaartoyda iyo tababaryaasha ka qeyb galaayo tartanka cayaaraha London Olympics 2012 oo dadka lagu habaabiyo mashquulna laga dhigo waxyaabo kale oo aan micno laheyn sida Cabdi Bile wuu diiday calanka inuu qaadao, hebel iyo hebel is ma salaamin, iyo hebel wuu I haruufay oo sanka buu ii taagay.
 
Hadaba dhabtu waxey tahay in Olympic Solidarity ay qorsho diyaarisay 2009-2012 ayna ugu talo gashay wadamada ka qeyb galaayo cayaaraha si loo diyaariyo cayaartoyda, Tababarayaasha iyo maamulka ka qeyb galaayo cayaaraha kala duwan sida Feerka, Oradada, Dabaasha IWM:

Breakdown of the 2009–2012 budget

  • World Programmes                               USD 134,000,000
  • Continental Programmes                       USD 122,000,000
  • Olympic Games Subsidies and Forums    USD 42,000,000
  • Administration / Communication            USD 13,000,000
  • Total Amount                                     USD 311,000,000

Breakdown of the “ World Programmes ” budget

  • Athletes                                   USD 61,000,000
  • Coaches                                  USD 26,000,000
  • NOC Management                    USD 32,000,000
  • Promotion of Olympic Values     USD 15,000,000
  • Total Amount                        USD 134,000,000

Breakdown of the “ Continental Programmes ” budget

  • ANOCA ( Africa ) – 53 NOCs       USD 26,671,000
  • PASO ( America ) – 42 NOCs      USD 21,228,000
  • OCA ( Asia ) – 44 NOCs             USD 22,257,000
  • EOC ( Europe ) – 49 NOCs         USD 25,089,000
  • ONOC ( Oceania ) – 17 NOCs     USD 14,198,000
  • ANOC                                      USD 12,557,000
  • Total Amount                         USD 122,000,000


Africa keliya oo ay Somaliya ay ka mid tahay ayaa waxa loogu talo galay 26,671,000 si ay u diyaariso cayaaraha All African Games.
 
Waxaa Warbixinta Olympic Solidarity ku qoran in cayaartoyda lagu diyaarin karo wadankiisa ama dibada si uu u qaato tababar fiican oo qorsheysan ka dibna ka qeyb galo cayaaraha kharajka ku baxana waxaa bixinaaya Olympic Solidarity.
 
Haddii ay cayaartoyga Gudiga Olympicada wadankiisa ay doorbidaan iney in tababar lagu siiyo wadanka gudahiisa waxaa loo soo shubaa lacagtii loogu talo galay diyaarintiisa. Sidoo kale tababarayaasha cayaaraha kala duwan iyo maamulka gudiga Olympic-da iyaguna waxaa loo dirayaa Scholarship wadanka dibadiisa si ay u soo qaataan tababaro casri ah.
 
Hadaba waxaan weydin lahaa Madaxda Gudiga Olympic-da Somaliya iney soo gaaratay qaybtii loogu talo galay cayaartoyda iyo xaga ay martay lacagahaasi? Maxaa keenay in Zam Zam marka ay soo gaartay “Finishing Line” ay dhacdo? Kharjaka ay ku soo dhoofeen ticket-ka IWM Yaa bixiyay ma GOS, Dowladda Somaliya, Shacabka Somaliya ama Olympic Solidarity? Waa su’aalo da’a weyn oo u baahan in laga jawaabo. Naga dhowra dhowaan lacagtii Olympic Solidarity ay u soo dirtay GOS inta ay la ekeed iyo warbixintii GOS oo ku aadan habka loo bixiyay lacagtaasi.

Wixii faa'faahin dheraad ah halkan hoos Riix(Click)

W/D Mohamed Ali Haji Shiikhey

Salah Hassan Omer 
s.dheere@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)