Somali News
    Hees  

K/AFRIKA : Captain Cali Ibraahim (Roba) Oo Jaaliyadda Reer Mandheera Kulan Afur ah Kula Qaatay Johanesburg (Daawo Sawirada)

Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


K/AFRIKA : Captain Cali Ibraahim (Roba) Oo Jaaliyadda Reer Mandheera Kulan Afur ah Kula Qaatay Johanesburg (Daawo Sawirada)

Musharaxa gudoomiyaha Mandhere Captain Ali Ibrahim (Roba) ayaa isagoo u tartamayaa xilkaasi wuxuu markii ugu horeysay booqasha ku soo gaaray wadankani koonfur Africa oo ay ku noolyihiin jaalada reer Mandhera..

Dhawaan ayaa sharci dowlada Kenya waxa uu ogolaaday in Madhera, Kaarisa iyo Wajeer ay
gooni u lahaan doonaa maamulkooda waxayna taasi kadhegantahay in fur u helaan aqoonyada
goboladaasi in ay hogaanka qabtaan oo dadkooda horkacaan..

Mudane Captain Ali Ibrahim (Roba) ayaa waxaa xaflad afur ah ay jaaliada reer Mandhera ugu qabteen hall-ka weyn ee shirika Bismalilaahi oo ku yaalo xaafada Fordsburg ee magaalda
Johannesburg.

Kadib afur ayaa ayuu musharax Captain Ali Ibrahim (Roba) uu kula hadlay halkasi umada uu matalayo laakin inta uu Madanaha hadalkiisa soo jeeday ayay jaaliyada iyagu qudhooda warbixin kasiyeen nolashood iyo waxa ay laqabdoonan maamulkan dhalan doono hadii eebo idmo.

Culumaa’udiin, aqoonyada , odayaasha dhaqan iyo haweenka ayaa afarka goobjoog u ahaa waxaa martidii hadashay kadim ahaa Ahmed Ziraaji Ugas Ali Nuura oo ah aqoonyahan reer Mandhera mudo badan degan wadankani uu Musharaxa martida ku ahaa. Ahmed Ziraaji hadaladiisa waxaa kamid ahaa ( salaam kadib walaalayaal waxaa sharaf ii iyo farxad ii ah caawa in aan soodhaweyno Mudane Ali Ibrahim (Roba) musharax caan ah oo u taagan kursiga gobnatooraha gobolka Mandhera ee ku taalo gobolka waqooyi bari Kenya run ahaantii makoobi Karin dareenkeyga dhabta ah markaan eego dhacdooyinka dhawaanahaan kasocod daafaha aduunka dhacdooyinkasi oo aad iyo aad inoo saamieeyay mushtamaca soomaalida meelkastaa oo ay joogaan iyo caalamul Islaam taasi wuxuu ahaa kacdoonkii dhalinyarada abaabushay oo runtii keeneen isbadal aad uweyn laakin waxaa ayaan daro ii ah in aanu arki weyno anago joogno gobolkeena fursadaas qaali ah oo badali karto xaaladaeena, xaaladeena siyaasadeed iyo mideena dhalaalo . isbadalkaan aad u wweyn waxaa u sabab ah eena kaqaaday kaalin libaax ah waa dhalin yaradii si abaabushay kuna kuguuleystay in ay keenaan xaaladan cusub. Ahmed Ziraaji oo hadalkii aad u dheera ayaa dhanka dadka waxa uu ku baraarujiyay faa’idoyinka iyo dhaqaalada uu leeyahay gobolka Mandhera, xoolaha macdinta iyo dhinca beeraha oo dadka aad ugu baahanyihin sidoo kale baayacmushta oo umada soomaalida hanaqoto somaalida koonfurta , soomaalida Ethoipa iyo kuwa reer Kenya.. Ziraaji waxa uu hadalkiisa kusoo afjaray soodhaweyn musharaxa uu kusoo dhaweynaa dadlka south Africa islamarkaana ay caawimaad nooc kastaa ay tahay lagarabtaagnan doonan..

Martidii halkaasi kahadash oo aad u badneed ayaa markani waxaa lagu soo dhaweeyay Shiiq Ibraahiim oo lasocday musharax una qaabilsan xaqa dardargelinta howlaha ayaa umada reer mandhera usoojeediay in ay aad ugu baahinyihin mas’uul iyaga mataliyo in uu xilkaani qabto , halka aysan marnaba ilobi doonin kuwa qurbaha ku nool madaamaa jaaliyada haatan degan
dalkan Koonfur Africa ay dhibaatoyin kala duwan lakulmaan…

Mar hadii masuulku uu marti ku yahya wadanki ayaa waxaa soodhaweynta kaqeybqaaday jaaliyada soomiyeed ee koonfur Africa Somali Communite Board waxaa dadlka lagu soodhaweyay gudoomiyaha jaaliyada Ismaaciil Abdale Soomane wuxuu farxada kala qeyb qaatay jaaliyada reer Mandhera isagoo ..

Markani waxaa lasoo gaaray xilii qofwalbaa uu dhageysan lahaa qudbada musharax Captain Ali Ibrahim (Roba) hadaladiisiina waxaa kamid ahaa kadib mahadcelinta kasoo qeybgalayaasha kadibna waxa uu faahfahin kabixiyay dowlada cusub waxa ay Mandhera kaqandooto isagoo carabka ku dhuftay dhismaha boontada mandhera madamaa umada aysan awoodin in ay isku
gudbaan , biyaha, dhanka beeraha halka sidaan horey u xusnay dhaqalaha ama maalgishiga gobolka uu u dhaxeyndoona Soomaalida meelkastaa ay kayimaadaan .

Waxaan dhisidoonaa warshada hilibka madamaa dadka gobolka ay xoola dhaqato yihiin una baahanyihin ay lacag fiican ay ky iibsadaan xoolahooda halka haatan ay ganacsato yaryar ay kafaaideystaan halka warshad ay xiriir layeelandoonto wadamada carabta ah , waxaana lafududeynaa ama lasameynaa xuuq xoolaha .. sidoo kale dhanka warshadaha waxaa
sameyndoonaa warshada cabitaanka , kuwaasina waxay noqondoonan qorshaheena ugu horeeyo ..

Mudane musharax Ali Ibrahim (Roba) oo hadalkiisa si aad ah u dheera meelwalbana taabanahey ayuu dhanka guryaha qaasatan marka uu dhabka dhaco dhibaatooyinka uu geysto ( mandhera kuwii kayimid weeyaqanan buulo jambuuriya ,buulo baawar iyo buulo boolistown hadii hal guri uu dubto guriyaasha oo dhan waa ay gubanaan ) marka waxa loobaahanyahay
waxa ay tahay in qorsho dhanba ah oo dhismaha ah in lalayimaado , mandhera waxa ay leedhaya dhul aad u weyn waxaan dooneynaa in aan dhisma lagasameyo oo ay kunooladaan jeerka haatan jira iyo kuwa imaandoono..

Kasoo qeybgalayasha oo siweyn uladhacay hadalka musharx Captain Ali Ibrahim (Roba) ayaa waxaa ugu danbeyntii lasoo afjray shirkii laguna macsamalaameyay musharaxa oo ah ninka kaliye ee u tagan xilkaasi. Doorashada ayaa lagu wadaa in auy dhaco bisha march sanada soosocoto inkastoo lahadlhayo ama laga yaabo in ay dhacdo bisha December isla sanadaani..





Sowdo Hussein Mohamud
Johannesburg. South Africa
E- Sowdo55@gmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)