|
Wafula Wamunyinyi: "Hanjabaadaha la jeedinayo ma noqon doonaan kuwo hor joogsada hannaanka lagu soo afjarayo KMG-nimada"
Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wafula Wamunyinyi: "Hanjabaadaha la jeedinayo ma noqon doonaan kuwo hor joogsada hannaanka lagu soo afjarayo KMG-nimada"
K/Xigeenka ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Wafula Wamunyinyi ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada la doonayo in dalka looga saaro hannaanka KMG-nimada, wuxuuna sheegay in howlahaasi ay ku socdaan sidii loogu talo galay.
Waxa uu sheegay Danjire Wafula Wamunyinyi in guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ay la kulmayaan hanjabaado joogto ah oo loo soo marinayo qadka isgaarsiinta taleefanadooda, iyadoo loogu hanjabayo in la dilayo haddii aanay faraha kala bixin howlaha ay ku guda jiraan.
"Aad ayaan uga walaacsanahay hanjabaadaha dilka ah ee loo dirayo guddiga farsamada xulitaanka Baarlamaanka cusub" ayuu yiri K/Xigeenka ergeyga Midowga Afrika Danjire Wafula Wamunyinyi oo intaasi raaciyay in kooxaha taleefanada uga hanjabaya guddiga farsamada ay ka dambeeyaan shaqsiyaad Xildhibaanimo doonaya.
Danjire Wafula Wamunyinyi ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay dardar geliyaan hannaanka KMG-nimada dalka looga saarayo, wuxuuna caddeeyay in tallaabadaasi ay horseedeyso sidii Soomaaliya uga bixi lahayd rabshadihii horay uga jiray.
"Habjabaadaha la jeedinayo ma noqon doonaan kuwo horjoogsada hannaanka lagu soo afjarayo KMG-nimada" ayuu yiri Danjire Wafula Wamunyinyi oo ugu baaqay beesha caalamka inay tallaabo cad ka qaaddo kuwa doonaya inay wiiqaan geedi socodka isbedelka loogu sameynayo wadanka Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sheegay K/Xigeenka ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in ciidamada AMISOM aanay fursad siinin doonin kuwa doonaya inay carqaladeeyaan geedi socodka nabadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ciqaab adag ay la kulmayaan kooxahaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|