Somali News
    Hees  

Munaasabad Afur ah oo loo sameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan wax ka barata.

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasabad Afur ah oo loo sameeyay Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan wax ka barata.

Habeenimadii Xalay aheyd Waxaa ka dhacay Magaalda Khartuum ee Caasimadda Wadanka Suudaan Barnaamij afurin wadajir ah oo soo qaban qaabiyay Tajamuca Dhalinyarda Soomaaliyeed ee wadanka Suudaan.

Barnaamijkan afurinta ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumaa'udiin, Masuuliyiinta Sarsare ee Safaarada Soomaalida, Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Suudaan, Madaxda Ururka Ardayda, Munadamada Daryeesha Ardayda Ajaanibta, Aqoonyahanno, Saxafiyiin iyo boqolaal arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal ee wax ka barata Wadanka Suudaan.

Aayado quraan kadib oo uu aqriyay Sheekh Abuubakar Maxamed C/qaadir ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay Cimraan Axmed c/qaadir oo ah Xoghayaha guud ee Isutaga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan (AALA-SHEEKH) isaga oo si aad ah uga mahad celiyay guud ahaan dadkii kasoo qeybgalay munaasabaddani Afurinta ah iyo sida ay uga aqbaleen afurka wadajirka ah oo ay sanadwaliba usameeyaan Ardayda waxkabrata Wadanka Suudaan.

Madaxdii Munaasabdan Afurinta ah ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Dr.Xuseen Bashiir oo ah Barre soomaliyeed ee wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan ee Wadanka Suudaan, Mudane Aadam Cabdi Saneey oo ka mid ah Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaaliyeed, Madaxa Ururka Ardayda Mudane Sharmaarke iyo Madaxa Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow oo qadka telefanka kaga qeybgalay ayaa dhamaan ka hadlay Fadliga Bisha barakeysan ee Ramadaan waxayna sheegeen in ay haboontahay in laga faa’ideysto bishan barakeysan ilaaheyna la weydiisto dambi dhaaf maadaama aynu ku jirno tobanka dambe ee ramadaan oo uu Nabigeena Suuban ku dardaarmay in tobanka dambe labadiyo ducada gaar ahaan Ducada ah: Allow adiga ayaa ah mid dambi dhaaf badan, Dambi dhaafkana waad jeceshahay ee noodambi dhaaf.

Ugu dambeyntii waxaa soo afjaray Barnaamijka Afurinta Jamaaciga ah Madaxa Tajamuca soo qaban qaabiyay Afurinta Sheekh Cabdalla cusmaan cali, wuxuuna sheegay in wax waliba ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna ugu duceynayaan in wadanka nabad iyo dowladnimo uu ilaaheey ku maneysto.










C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum Suudaan

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)