Somali News
    Hees  

Burburka diyaarihii Uganda ka yimid kuna soo jeeday Soomaaliya oo la helay + Sawirro

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Burburka diyaarihii Uganda ka yimid kuna soo jeeday Soomaaliya oo la helay + Sawirro

Col. Felix Kulayigye Afhayeenka milateriga Dowladda Uganda ayaa ka war bixiyay diyaaradaha ku burburay hawada wadanka Kenya xilli ay ku soo jeedeen wadanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in diyaaradahaasi saddex ka mid ah ay burbureen.

Waxaa kale oo uu sheegay afhayeenka milateriga Uganda in diyaaradaha burburay laga badbaadiyay ciidamadii saarnaa, wuxuuna sheegay in burburka diyaaradaha ay keentay kaddib markii cimilada wadanka Kenya ay ku kacday.

Dhinaca kale askartii saarneyd diyaaradaha nooca Helikobtarka loo yaqaan ayaa la sheegayaa inay qaarkood dhaawacmeen markii diyaarada ay soo dhacday iyadoo mareysa hawada sare, isagoona sheegay in dhaawacyadooda loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

"Waxaa la helay toddobo ka mid ah askar dhaawacyo qaba, waxaana sheegi karaa in mid ka mid ah diyaaradihii aan dirnay ay ku degtay magaalada Gaarisa ee wadanka Kenya" ayuu yiri Col. Felix Kulayigye.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya in diyaaradaha burburay ay doonayeen inay xoojiyaan weerar ballaaran oo la damacsanaa in lagu qaado magaalada Kismaayo isla markaana ururka Al-Shabaab ee gacanta ku hadda farahooda laga bixiyo.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)