|
Weerar lagu qaado Magaalada Kismaayo oo ay Qaramada Midoobay ka digtay
Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Weerar lagu qaado Magaalada Kismaayo oo ay Qaramada Midoobay ka digtay
Mark Bowden Xiriiriyaha dhinaca gargaarka bani'aadamnimo ee
Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa maanta ka digay in la
weeraro magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubbada hoose oo ay ka
taliso Kooxda Al-shabaab.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ku sugan
Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka socda Kenya waxay qorsheenayaan in
dhawaan duulaan ay ku qabsanayaan Kismaayo ku qaadayaan ka hor inta
aysan dhamaan Bisha Aug.
Mark Bowden "Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya
khasaarihii dadka shacabka ahaa kasoo gaaray duqeyn maraakiib ay u
geysteen magaalada Kismaayo,waxaana uu ku baaqay dhinacyada oo dhan
inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaraya.
Duqeynta oo dhacday Sabtidii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay
saddex qof oo shacab ah, iyadoo dhowr kalena ay khasaare kasoo
gaartay, balse dadka ku nool degmada Kismaayo ayaa waxay soo
sheegayaan in xilligan ay xalaaddu tahay mid aad u kacsan oo ay dadka
degaankuna ka baqdin qabaan dagaalo ka dhaca magaaladooda.
Magaalada Kismaayo oo 500-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho
ayaa waxaa ku sugan kooxda Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay
kooxdan ay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo
degmadaas lagu soo qaado.
Dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya ayaa waxay
dhowr jeer oo hore sheegeen in magaalada Kismaayo ay tahay xudunta
Al-shabaab iyadoo aan la qabanna nabada Soomaaliya aan lagu tilmaami
Karin mid wanaagsan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|