Somali News
    Hees  

Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee Muqdisho

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidammo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray deegaanka Jasiira ee Muqdisho

Ciidammo ka tirsan milateriga dowladda Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 602-askari ayaa maanta tababar loogu soo xiray xero ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadaas ay ka qayb-qaadanayaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.

Wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise, taliyaha ciidamada milateriga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, xubno ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saraakiisha AMISOM ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu soo xirayay tababarka.

"Ciidamadan waxay tababar kusoo qaateen dalka Uganda muddo lix bilood ah, laba bilood ayayna halkan tababar kale ku qaateen, waxayna diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen soo celinta ammaanka dalkooda," ayuu yiri Jen. Diini oo intaas ku daray in
ciidamadan berri lasiin doono mushaaraadkooda.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya,Mudane  Xuseen Carab ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo Soomaaliyeed oo aan loo adeegsan karin qaab kale oo siyaasadeysan, wuxuuna xusay in ciidamadan ay niyadjab
weyn ku ridayaan cadowga dalka.

Ciidamadan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarradi ay soo qaateen, waxaana tababarka ay soo bandhigeen ka mid ahaa inay hub la'aan howgali karaan.

Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda  oo iyaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay ciidamadan awood buuxda u leeyihiin inay qabtaan gaadiidka looga shakiyo inay wataan kooxo doonaya inay rabshado abuuraan.

Saraakiishii ka socday beesha caalamka iyo xubnaha dowladda KMG ah ayaa waxay socod kusoo mareen xero loo sameynayo ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya oo dhismaheedu ka socdo deegaanka Jasiira.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)