Somali News
    Hees  

Kooxo Hubeysan oo Caawa dilay Gudoomiyahii Ganaacsatada Suuq Bacaad

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo Hubeysan oo Caawa dilay Gudoomiyahii Ganaacsatada Suuq Bacaad

Maqribnimadii Caawa Kooxo Hubeysan ayaa abaarihii xilliga Afurka ku dilay Masaajid ku yaal Suuq Bacaad Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqaas, iyadoo kooxaha dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Allaha u naxariisto Saciid Fiidow waxaa Kooxaha Hubeysan ay ku dileen irida hore ee Masaajid ku yaal xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, xilli marxuumka uu ku howlanaa biyo qeybin dadka jameecada Masaajidka ay ku afurayeen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka ka dambeeyay ay ahaayeen labo dhalinyaro oo Bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo madaxa ka toogtay.

Dilka Gudoomiyaha Ganacsada Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ayaan wali cidna sheegan, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid.

Dhowrkii Cisho ee ugu dambeyay ayeey dil saf mar ay ay ku hayeen dadka wax galka kooxo leh dano guracan oo sida la aamisanyahay u shaqeeya Shisheeyaha

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)