Somali News
    Hees  

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu Burcadbadeeda Soomaalida u shaqeynaayay oo lagu xukumay dalka Mareykanka

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu Burcadbadeeda Soomaalida u shaqeynaayay oo lagu xukumay dalka Mareykanka.

Maxkamad ku taala gobolka Virginia ee dalka mareykanka ayaa xukun gaaraya 12 sano oo xarig ah ku ridday muwaadin soomaaliyeed oo la yiraahdo Mohammad Saaili Shibin oo ay soo xereen FBI-da mareykanka oo gacan ka helaya saraakiil Soomaaliyeed.

Waxana lagu helay dambi ah in hab turjumaan ah uu ugu shaqeenayay koox burcad badeed Soomaali ah oo afduub u geesatay doon ay saarnaayeen 4 ruux oo mareykan ah sanadkii 2011-ka kuwaas oo howlgal lagu soo badbaadin rabay ku dhintay.

Qaadiga maxkamadda gobolka Virginia ayaa sheegay in muwaadinkan soomaaliyeed uu qirtay inuu la shaqeenayay burcad badeedda soomaalida islamarkaana uu ku howlnaa sidii xiriiro uu ula sameyn lahaa ehelada dadka mareykanka ah ee afduubka loo heystay.

Neil MacBride oo ka tirsan xeer ilaaliyayaasha maxkamadda xukuntay muwaadinkan soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Mohammad Saaili Shibin uu burcad badeedda ka helay lacag dhan $30,000 oo doolar.

Qareenka u doodaya muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sheegay inay racfaan ka qaadanayaan xukunka maxkamadda garto, iyadoo Maxkamadaha ku yaala dalka mareykanka ay marar badan xukumeen Soomaali loo heysto burcad badeednimo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)