Somali News
    Hees  

Fanaanada Nimco Yaasiin Caraale oo shalay lagu soo dhaweeyay Hargeysa' Ruwaayadii Isa Seega Jaceyka ayaa Lagu Xasuustaa'

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Fanaanada Nimco Yaasiin Caraale oo shalay lagu soo dhaweeyay Hargeysa' Ruwaayadii Isa Seega Jaceyka ayaa Lagu Xasuustaa'

Fanaanada Nimco Yasiin Caraleoo Bartamihii 80 meeyadii ku soo Biirtay Fanka ayaa shalay  Mar kale soo Gaartay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland waxaana ay ka timid Cariga Dalka Ingiriiska oo ay Daganeyd.

Nimco Yaasiin Caraale oo22kii sano ee ugu Dambeeysay sii amba qaaday Fanka isla Markaana la heestay qaar ka mida Fanaaniinta soo Caan baxayw axii kadambeeyay 1990kii ayaa ah Fanaanad Cod degan waxaana Markii uguHoreysya Fanka lagu arkay Bartamihii 80meeyadii Markii ay ka Noqotay Aktada 1 Ruwaayadii Isa Seega Jaceylka oo aywadeen Hobolada Waabari iyo Kooxdii Muusiga Durdur Ruwaayadaasi oo xiligasi lga dhigay Gobolo Fara Badan waxana Ruwaayadaasi dhinaca Heesaha ka dhex muuqday Boqorka Codka Maxamed Saleebaan Tubeec,Shimaali Axmd Shimaali,Axmed Heybe Caraale yo Nimco Yasiin Caraale.

Heesta uu Sameeyay Cabdulle Yuusuf Hanuuniye,Laxankana uu Raaciyay Maxamed Saleebaan Tubeec ee la Magac Baxday( Habur Burinin) oo ay wada qaadan Shimaali Axmd Shimaali vs Nimco Yasiin Caraale,Heesta Haye Gacale Nabad oo ay wada Qaadaan Maxamed Saleban Tubeec vs Nimco Yaasiin Caraaleiyo Heesta Geedkii aan beeray ka ilaalshay Goondaha oo ay qaado Nimco Ysiin ayaa ka mid ahaa Heesha Lagu Xasuusto Ruwaayadaasi Isa seega Jacelka ee la dhigay Bartamihii 80 meeyadii.

Mudooyinkaan Dane fannainta ay hesha laqaadayw axa laga xusi Karaa fanaanka Cabdi qaboojiye oo ay wada qaaden Heeso aad u wanaagsan.

IIda ayey la qaadan doontaa Bulshada ku dhaqan Hargeysa

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)