|
Beesha Absame iyo Adeerkood Kulan Balaaran oo ay ku yeelatey Muqdisho ka soo Saartey War-Saxaafadeed ka Hadlaya Qaabka wax Qaybsiga
Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Beesha Absame iyo Adeerkood Kulan Balaaran oo ay ku yeelatey Muqdisho ka soo Saartey War-Saxaafadeed ka Hadlaya Qaabka wax Qaybsiga
Kulan ay ka soo qaybgaleen Odoyaasha, Siyaasiyiinta Waxgaradka, Culimaudiinka, Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Absame iyo Adeerkood (Galimeys laguna Martiqaadey Beelaha kale ee Daarood ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Safari, waxaana kulankaas diirada lagu saarey Cadaaladdaro ay M,uddo dheer ay tabnayeen Beesha Absame iyo Adeerkood
Xubnihii ka qayb gale Kulanklaas ayaa sheegey in Beesha Absame ay Cadaaladdaro ka tirsanyaan Beesha Ogaadeen oo ka tirsan beelaha Absame waxayna sheegeen Xadgudubkaas uu soo jirey Muddo dheer iyadoo beelihii kale ee Daarood ay Garwaaqsadeen Cadaaladaradaas ayna aad uga Xun yihiin iyagoo sheegey in ay wax ka qabanayaan islamarkaana ay u gudbinyaan Hayadaha ku lugta leh Xiliga kala guurka waxayna ka soo saareen Kulankaas Qoraalkaan hoose ku Qoran
“Anagoo ah Beelaha Absame iyo Adeerkood (Galimeys) waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka iyo Ummadda Somaliyeed in 10-kii Xildhibaan ee ka dhaxeeyay Beelaha Absame iyo adeerkood ay qaadatay Beesha Ogaadeen oo kaliya Beelaha Boobkaas lagu sameeyey waxaa ka mid ah.
1 .Beesha Galimeys oo ah Adeerkood
2. Beesha Baalcad Absame
3. Beesha Weyteen Absame
4. Beesha Abaaskuul Absame
Hadaba waxaa Dulmigaas iyo Boobkaas ka shaqeyay labo Nin oo Dhaqan ah iyo Labo nin oo Siyaasiyiin ah waxayna kala yihiin sidan:
1. Suldaan Cabdi Cali Sokor
2. Ugaas Xuseen Ugaas Qorane iyo
3 C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah wasiirka Ganacsiga
4 Maxamed Cabdi (Gaandi) ninka Hogaamiyaha Kooxda AZANIA
Hadaba waxaan u sheegeynaa umadda Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka in aanan aqbali doonin Baarlamaka la dhisi doono hadii aan wax laga qaban dulmiga lagu sameyay Afartaas Beelood isla markaana aan la siinin Xildhibaanno matala Afarta Beelood ee sare ku xusan
Sidoo kale ma aqbali doono Dowlad Goboleed ay horkacayaan kuwa sameeyey dulmigan aanu ka cabaneyno sida maamulka ku sheegga AZANIA .
Waxaa Bayaankan & Go’aankan si wadajir ah u soo saaray Salaadinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada Beelaha Absame iyo Adeerkood (Galimeys):



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|