|
Kenya oo baaritaano ku wada ajaanib la la xiriiriyay Al-Shabaab
Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kenya oo baaritaano ku wada ajaanib la la xiriiriyay Al-Shabaab.
Booliska Kenya gaar ahaana kuwo loo bixiyay la dagaalanka argigixisada ee magaalada Mombasa ayaa su’aallo weydiinaya saddex wiil oo dhallinyaro ah una dhalatay dalka Tanzania kuwaas oo dowladda Kenya ay sheegtay in la soo qabtay iyagoo u talaabi rabay dhinaca Soomaaliya islamarkaana damacsanaa inay ku biiraan xarakada Al Shabasb.
Ku xigeenka taliyaha booliska magaalada Mombasa, Robert Kitur oo la hadlay wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegay in dhallinyaradan u dhalatay dalka Tanzania laga soo qabtay jaziiradda Lamo oo qarka ku heysa dhinaca Soomaaliya iyagoo wata qalabo middiyo ay kamid yihiin sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska magaalada Mombasa .
Saddexda dhallinyaro oo u dhalatay Tanzania ayuu taliye ku xigeenka oo magacoodu yahay: Jamani Ali Muswadiku 30, Mabaruki Sharif 26 iyo Haron Waziri Tinawa oo 17 sano jir ah.
“Waxa ay ku sugan yihiin xarunta booliska ee magaalada Mombasa, waxana soconaya baaritaano haddii lagu helo dambiga, waxa ay wajihi doonaa maxkamad ayuu yiri Robert Kitur taliye ku xigeenka booliska magaalo xeebeedka Mombasa.
Ciidamada dowladda Kenya ayaa muddooyinka howlgallo xoogan ka wada xadka ay la wadaagaan Soomaaliya, waxana marar badan ay gacanta ku soo dhigeen dad isku jira soomaali iyo ajaanib lala xiriirinayo al shabab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|