Somali News
    Hees  

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo laga badbaadiyay doon xoog ay ku heystyeen

Mogadishu Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo laga badbaadiyay doon xoog ay ku heystyeen.

Ciidamada Badda Midowga Erube ayaa gaar ahaan kuwa Holand ayaa gacanta Kooxaha Burcad badeeda ka bad baadiyay doon laga leeyahay Holaand oo Badweynta India ay ka qafaasheen mudo Saddex Maalin ka hor ah sida lagasoo xigtay Saraakiisha Ciidamada Badda Midowga Erube ee jooga Biyaha Soomaalia.

Saraakiisha Ciidamada Nether Land waxa ay shaaciyeen in Shaqaalaha Doonta la socday dhamaan ay Caafimaad qabaan islamarkaana qaar kamid ah Kooxihii Burcad Badeeda ee Doonta laga furtay loo gudbinaya Magaalada Rotterdam ee dalka Holland halkaasi oo lagu xiray tan iyo inta laga maxkamadeenayo.

Ciidamada Badda Midowga Erube gaar ahaana kuwa dalka Netherland ma aysan sheegin tirada saxda ah ee Shaqaalaha lasocday Doonta la bad baadiyay.

Hay’ada Badmareenada Caalamka ee IMB waxa ay xaqiijisay in 189 Weerar oo ka Badaha Aduunka ilaa iyo bilowga Sanadkan 70 kamid ahay fuliyeen Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia islamarkaana ay gacanta ku hayaan 2012 ruux oo ay ku doonayaan Malaayiin Dollar oo Madax furasho ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)