Somali News
    Hees  

Ganacsade C/qaadir Nuune "Dr. Caddow waa lama taabtaan, waayo waa 40 sano oo khibrad maamul & dowladnimo ah, Soomaali iyadaa u baahan maanta"

Holland Talaado 14 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ganacsade C/qaadir Nuune "Dr. Caddow waa lama taabtaan, waayo waa 40 sano oo khibrad maamul & dowladnimo ah, Soomaali iyadaa u baahan maanta".

C/qaadir Cali (Nuune) oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Soomaalida Holland, ahna mutacalim muddo ka badan 20 sano wax ku soo bartay waddankan Holland, ayaa ku tilmaamay xaaladda Soomaaliya ee xilligan mid dhinacna halis ka ah, dhinaca kalena ay ka muuqato rajo ku saabsan nabaddii & rajadii ay ummaddu u hamuun qabtay oo dib u soo laabaneysa.

Nuune wuxuu ammaan u jeediyey guddoomiyaha & duqa gobolka Banaadir Tarzan oo uu ku tilmaamay shaqsi ku dedaalay intii karaankiisa ah sidii ay Muqdisho uga soo kaban laheyd dhaawacyadii dhulka dhigay ee ay tiiceysay sanadihii burburka, wuxuuna intaa ku daray in Muqdisho ay u baahan tahay boqolaal aqoonyahan oo u fikiraya, una shaqeynaya sida Tarzan oo kale, haddii la helana ay wax la qeybsan doonto Insha ALLAAH caasimadaha caalamka, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in ay dib isu-daba-qabtaan, oo ay soo ceshadaan, walaalnimadii, is xaqdhowrkii & wada-jirkii ay weligeed ku soo caano-maali jireen.

"Doorashadda maalmahan soo fool-leh loo madlan yahay marka la fiiriyo, Soomaaliya waxey kala dooraneysaa labbo waddo, waddadii ay dib ugu yagleeli laheyd dowladnimadii, nabaddii & kala dambeyntii oo ku iman karta in xildhibaanadu ay doortaan shaqsi Soomaali nadiif ah, oo ka nasahan musuq-maasuq, daneysi, qabyaalad & nin tooxsi, haddii xildhibaanadu ku guuleystaan in ay sidaa yeelaan Insha ALLAAH waxaan rajo ka qabnaa in Soomaaliya uu waa-cusub u baryi doono, haddiise inta jeebka loo buuxiyo ay ugu shubaan habacsane daneyste ah oo tiisa oo keliya fiirsanaya rajadeena mugdi ayey geli doontaa" ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune, wuxuuna intaa kud daray in ku dhowaad 20-ka Milyan ee Soomaaliyeed ee gudaha dalka & dibedda ku dhaqan in ay mas'uul ka yihiin xildhibaanada wax dooranaya.

"Dr. C /llaahi Axmed Caddow waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay ninka ay maanta Soomaali u baahan tahay, weliba Soomaali iyadaa u baahan in ay aqoontiisa ka faa'ideysato, wuxuu leeyahay sifooyinkii ugu wanaagsanaa ee maanta ay Soomaali u baahneyd, sifooyinkaasna waa mid ay wada garanayaa inta taqaana, waxaana ka mid ah in aanu aheyn shaqsi maanta qabiil

loo nisbeynayo oo uu yahay oday Soomaaliyeed, oo 40 sano dowladihii dalka soo maray la soo shaqeeyey, maalinna aan la arag isaga oo wax xag-xaganaya ama la eedeynayo, qof ceynkaas ah ayey Soomaali u baahan tahay" ayuu yiri C/qaadir Nuune, oo sidoo kale ammaanay in faraxadda kale ee uu dareemayo ay tahay in doorashadu ay ka dhaco dalkii, ayna sidoo kale tartamayaan aqoonyanno kale oo ay ka mid yihiin Dr. Baadiyow, Samatar, & Cusmaan John.

"Xildhibaanada cusub waxaan leeyahay qalin & warqad baa is dul-saaran, taariikhdu wax waliba waa qori doontaa, Soomaaliya weligeed in ay siddan ahaato, oo dulligan ku jirto ILLAAHEY uma qorin, maalin un bey ka bixi, maalintaa baa qof kasta wixii uu geystay {wanaag & xumaan} ay taariikhdu xusi doontaa, waxaana lagama maarmaan ah in damiirku shaqeeyo oo lagu fikiro war ninkaad doonto wax ka qaado balse maanta caruurtaada, hooyadaa, xaaskaaga & guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u soo xul oo codkaaga sii midka aad is leedahay magacii Soomaali halka uu yaal wasaqdaa wuu ka qaadi karaa, adigoo aan ugu xilaneyn aniguu igu qabiil yahay & haddii uu guuleysto wax buu ii balanqaaday" ayuu yiri Nuune.

Salah Hassan Omer 
s.dheere@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)