|
Midowga yurub iyo Mareykanka oo ka wada hadlay dib u dhaca ku yimid Barlamaanka cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midowga yurub iyo Mareykanka oo ka wada hadlay dib u dhaca ku yimid Barlamaanka cusub ee Soomaaliya
Ururka midowga yurub iyo dowaldda mareykanka ayaa waxa ay sheegeen
inay ka wal wal ka muujinayaan dib u dhaca ku yimid soo xulista 275ta
xubnood ee barlamaanka cusub taa oo ay sheegeen inay caqabad ku
noqoneyso ka gudbista xilliga KMG ah oo ku eg bishan August 20keeda.
War saxaafadeed xafiiskiisa Nairobi uu ka soo saaray safiirka
mareykanka u qaabilsan arimaha Somalia Jamws swan ayuu ku sheegay in
arimaha laga soo sheegayo dalka Somalia ee ku aadan soo xulista
barlamaanka cusub ee Somalia iyo musuqmaasuqa lagu hayo kuraasta
barlamaanka at tahay mid mudan in laga gudbo oo dhinacyada soomaalida
ay isku taxalujiyaan sidii loo ilaalin lahaa jadwalka doorashada
Soomaaliya.
James swan waxa uu tilmaamay in dowladda mareykanka mar kale uu ka
digayo in la carqaladeeyo howlaha dalka Soomaaliya uu kaga gudbayo
xilliga KMG nimda oo soo bilaabatay sanadkii 2004ta.
Sidoo kale Alex Randon oo midowga yurub u quseeya arimaha Soomaaliya ayaa
isna dhankiisa tibaaxay in midowga yurub uu si aad ah uga warhayo
arimaha doorashada Somalia, waxana uu sheegay inaan loo dulqaadan
doonin dad uu ku sheegay qaswadayaal oo isku dayaya inay is hor’istaag
ku sameeyaan doorashada Soomaaliya.
Uqaabilsanaha midowga yurub arimaha Somalia Alex Randos waxa uu dhanka
kale ka digay in haweenka soomaaliyeed aan la doodsiin xaqii ay ku
lahaayeen barlamaanka cusub loona baahanyahay in odoyaashu ay
mudnaanta siiyaan haweenka oo ay dar dar geliyaan howlahooda.
20ka August oo QM ay u qoondeeysay in KMG ay ku egtahay ayaa waxaa ka
haray 5 maalin oo kaliya , waxana muuqanaya in wax waliba aysan ku
dhameystirmi karin waqtiga ka haray 20 august.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|