Somali News
    Hees  

Madaafiic saakay mar kale Maraakiib dagaal ku garaaceen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaafiic saakay mar kale Maraakiib dagaal ku garaaceen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in madaafiic lagu garaacay xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi inta ey la’egtahay hase yeeshee wararka aynu heleyno ayaa tilmaamaya in qasaare uu jiro soo gaaray dad rayid ah iyo xoolo.

Ilaa iyo lix madfac ayaa la sheegay inay ku soo dhaceen magaalada kuwaasoo sida dadka ay sheegayaan laga soo tuuray maraakiib dagaalka oo ku sugan xeebaha magaalada Kismaayo.

Duqeynta ayaa timid kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ee gacanta ku haaya magaalada Kismaayo ay madaafiic ku tuureen maraakiib dagaal oo taagneyd meel ku dhow Dekadda magaaladaasi.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in madaafiicda lagu bartilmaameedsaday fadhiisimooyin ciidamada Shabaab ay ku lahaayeen xaafada ka mid ah magaalada Kismaayo ee xrunta gobolka Jubada Hoose.

Waa markii labaad oo todobaad gudihii madaafiic lagu garaaco magaalada Kismaayo, iyadoo duqeyntii tan ka horeysay ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)