Somali News
    Hees  

Aqoon isweydaarasi ku saabsan Ka hortga Kufsiga iyo ku tacadiga Jinsiga ah oo lagu qabtay Boosaaso

Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Aqoon isweydaarasi ku saabsan Ka hortga Kufsiga iyo ku tacadiga Jinsiga ah oo lagu qabtay Boosaaso

Kulan Baalaran oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso oo ay ka soo qeyb galeen in ku dhow 50 qof oo ka socda Qeybaha Bulshada ayaa ahaa Kulan Aqoon isweydaasri la xiriira Arimaha Kufsiga loo Geysto Haweenka iyo Tacadiga Jinsiga ah waxaana Kulanka qabtay NGO-ga TIDES isaga oo Maalgelin ka helaya IRRAP.

Kulanka Waxaa intii uu socday la isku weydaarsaday Fikirado iyo Afkaar ku saabssan sida Bulshada Qeybaha heeda looga wacyigelin lahaa dhibaaytooyinka ka dhasha kufsiga Haweenka iyo Tacadiga Dhinaca jinsiga ah.

Kulanka Aqoon isweydaarsiga waxaa Goobjoog ka ahaa Qaar ka mid ah Culimada oo ka hadlay Islaam ahaan inay Xaaran tahay Kufsiga iyo Tacadiga Loo geysto Haweenka waxaana culimadu ay ka soo qeybgalayaasha Tababarka u sheegeen inay fariinta Kulanka iyo Hadalka culimada gaarsiiyaan Qeybaha kala ee Bulshada ay ka yimaadeen.

Wakiilka NGO-ga TIDES ee Boosaaso Maxamed Xasan oo goobta isna ka hadlay ayaa sheegay in Kulankan Aqoon isweydaarsiga ah ay u qabteen In Bulshada ay ugu iftiimiyaan Dhibaatooyinka Caafimaad Daro ee ka dhalan kara Kufisga kuwaasi oo ay ku jiraan Xanuunka HIV/AIDS iyo Xanuuno kale oo lagu kala qaado Galmada.

Qaar ka mid ah Ka soo qeybgalayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa iyaguna dhibtay firkikooda iyo sida ay u arkaan in loo iftiimiyay Dhibaatada ka dhalata Kufsiga iyo tacadiga Jinsisga ah waxaana ay balan qaadeen inay gaarsiin doonan Dadka kale sida Fariintan ay dhamana u gaarto bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Ugu danbeyntii Markii la soo xiray Aqoon isweydaarsiaga ayaa NGO-ga TIDES waxaa uu sheegay in ay wadi doonan Barnaamijyada Noocan ah ee Bulshada Looga wacyigelinayaayo Iyaga oo la kaashanaya IRRAP oo maalgelineysa iyo Hayada Puntland u qaabilsan AIDSKA ee PAC
hadaba dadka reer puntland ayaa kuwa ay arintani ay wax utarayso islamarkaana wacyi gelin u ah bulshada.






Mubaarak Salaad Cali (Bossaso)

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)