|
Safaarada Britain ee dalka Kenya oo Xaalada Soomaaliya oo rajo ka
muujiyay (SAWIRRO)
Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Safaarada Britain ee dalka Kenya oo Xaalada Soomaaliya oo rajo ka
muujiyay (SAWIRRO)
Safiirka dawlada Britain ugu xilsaaran arrimaha Soomaaliya Matt Baugh
ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaalada Soomaaliya, isagoo sheegay in
ansixinta dastuurka iyo horumarka dhanka ammaanka ee la gaaray ay
tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay soo hagaagayso.
safiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan afur ah oo safaarada Britain
ee magaalada Nairobi ugu samaysay qaar kamid ah masuuliyiinta
Soomaalida ayuu sidoo kalana ka digay sii socoshada carqaladaynta soo
doorashada xubnaha cusub ee baarlamaanka.
Danjire Baugh ayaa sheegay inuu la qabo qaramada midoobay, ururka
midowga afrika iyo urur goboleedka IGAD digniinihii ay soo jeediyeen
ee ku aadana in la joojiyo musuqmaasuqa iyo cagajuglaynta lagu hayo
hannaanka lagu soo dooranayo xildhibaanada cusub.
Xafladan Afurka ayaa waxaa ku sugnaa danjiraha Soomaaliya u jooga
dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), xildhibaanka xaafada
Kamakunji ee Soomaalidu ku badantahay Yuusuf Xassan iyo gudoomiyaha
gudiga doorashooyinka dalka Kenya Isxaaq Xassan oo kasoo jeeda gobolka
Soomaalida ee waqooyi bari.
Waxaana Isxaaq Xasan uu uga mahad celiyay taageerada ay dawlad
Ingiriisku u fidisay gudigooda iyo sidoo kale dadaallada lagu
taageerayo in doorasho si nabad ah u dhacda laga dhigo Kenya sanadka
soo socda.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|