Somali News
    Hees  

Taliska Sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya Xiligaan kala guurka

Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliska Sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya Xiligaan kala guurka.

Taliska sare eee ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya.marxaladda kala guurka isla markaasna aysan wax hakad ah gelidoonin hawlaha kala duwana ee horyaalla Ciidanka Xogga dalka soomaliyeed taas oo ay ugu horeyso ladagaalanka cadawgga umadda soomaliyeed.

Abaaanduulaha ciidamada qalabaka sidda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdikariim Dhegabadan ayaa daboolka ka qaaday arintaasi mar uu si gaar ah ula hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xogga Dalka Soomaliyeed ayaa waxaa uu u sheegay in ciidamadu aysan faragelineynin siyaasadda gudaha dalka isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelandoonin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya.marxaaladda kala guurka oo haatan hawlaheeddas lagu jiro.

General Dhagabadan waxaa uu yiri "Ciidamada Xogga Dalka Soomaliyeed waxey u diyaarsanyihiin difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed mana dooneyno in ay saameyn nagu yeelato isbeddellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, qabiil iyo qabyaaladna ma dooneyno in naloo adeegsado" ayuu yiri Gen Dhegabadan oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xogga Dalka Soomaliyeed.

General Dhagabadan Isagoo hadalkiisa sii wata ayaaa waxaa uu kula dardaarmay ciidamada in ay iska qabtaan kooxaha labisan dareeska ciidamada ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida uu sheegay aan ka mid aheyn ciidamada balse doonaya in ay dhaawacaan sharafta iyo sumcadda ciidamada XoggaDalka Soomaliyeed..

Gen. Dhegabadan ayaa imaanaya xilli ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay guulo waa weeyn kaa soo hooyeen dhinaca dagaalka ay kula jiraan kooxahha ka soo horjedda nabadda iyo jiritaanka umadda soomaliyeed iyo howlgallada ay dalka kaga xoreynayaan maleeshiyaadka Alqaacidda, iyo waddanka oo ku jira xaalad kala guur ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)