|
Afhayeenka AMISOM oo Cambaareyay duqeyntii Magaalada Kismaayo
Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Afhayeenka AMISOM oo Cambaareyay duqeyntii Magaalada Kismaayo
Taliska Ciidamada MIdowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay Dabagal ku samayn doonaan Duqeymihii khasaaraha geystay ay ka Sameeyeen Ciidankooda Magaalo Xeebeedka ee Kismaayo.
Cali Aadan Xaamud Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ka Xun yihiin dadkii ku waxyeeloobay Duqeymahaasi iyo kuwii ku dhintay intaba, wuxuuna sheegay inay Baarayaan kuwii geystay falkaasi duqaymaha ka dhanka ah dadka rayidka ah.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale ka hadlay Dagaalada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka Dagaalamaya Jubooyinka ay soo Afjari doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, isagoo sheegay in Ciddii ay AMISOM u aragto inay Nabada Soomaaliya Carqaladeyneyso Cadowgeeda.
Dhinaca kale ma ahan markii ugu horeysay oo la duqeeyo Magaalada Kismaayo, islamarkaana ay ku dhintaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna Affhayeenku sheegay inaysan iyagu raali ka ahayn in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|