Somali News
    Hees  

AMISOM oo shaacisay in Dib u dhac ku yimid qabshashada Magaalada Kismaayo

Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo shaacisay in Dib u dhac ku yimid qabshashada Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha militriga dowladda uganda ee qeybta ka ah kuwa AMISOM ayaa shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid howlgal AMISOM ay ku dooneysay in maalamaha soo socda ay ku qabsato magaalo degadeedka kismaayo oo ah mid kamid ah ilaha dhaqaalaha dalka somalia halkaas oo ay ka taliyaan xarakada Al shabab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in hogaamiyayaasha AMISOM ee hogaamin rabay howlgalka lagu qabsanayo Magaalada Kismaayo looga yeeray magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya islamarkaana ay ku yeelanayaan kulammo deg deg ah oo ku aadan sidii ay ku qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo.

Dowlaadda uganda oo kamid ah AMISOM saraakiisha u hadashay ma aysan sheegin sababta keentay dib u dhaca lagu qabsan rabay magaalada kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay AMISOM ay waday qorsho ay ku dooneyso inay ku qabsato , balse ilo sirdoon oo la helayo ayaa tibaaxaya in dib u dhaca uu salka ku hayo bur burka ku yimid diyaaradihii dagaalka ee dowladda uganda oo ku soo wajahnaa dalka Soomaaliya.

Saraakiisha AMISOM ee ku howlan qabsashada magaalada kismaayo ayaa todobaadkan dhan baaqi ku ahaanaya magaalada Nairobi iyagoo dejinaya qorsho ay ku qabsadaan magaalada kismaayo.

Howlgalka AMISOM ay ku qabsaneyso kismaayo ayaa waxaa walaac ka muujinaya hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo ka cabsi qaba in ku tumasho xuquuqda aadanaha kismaayo ay ka dhacdo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)