Somali News
    Hees  

Qaab Howleed Qaran kaas oo ku wajahan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagaalka iska daysay

Mogadishu Arbaco 15 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qaab Howleed Qaran kaas oo ku wajahan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagaalka iska daysay.

Mogadishu, 15,August 2012 Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Amisom waxay daabaceen –qaab ama hawlgal cusub ee Qaran  kaas  oo ku wajahan dhalinta dagaalka iska daysay,  kana soo baxday dagaalyahaiinta Al-shabab, Howlgalkana cusubna waxaa  la soo hordhigay  deeq bixiyayaasha markii uu socday  shirkii Gudiga isku-xirka Amniga ee  qabsoomay August-06, 2012.

Qaab-howleedkan Qaran ee khuseeya dhalinyarada dagaalka iska-daysay  waxaa ka qayb qaadanaya Ciidamada midowga Afrika, kuwa dawlada Federaalka Soomaaliyeed, Qaramada Midoobay iyo Bulshada Rayadka-  kuwaas oo dhamaantooda iska  kaashanaya hawlo farabadan oo kala horeeyo  lagulana xiriirayo ciidamada Al-shabab iyo  milishiyaadka kale, xiriiridaas oo ah soo dhoween la soo dhoweeyo  kuwa   soo goostay ama iska daayay dagaalka, meelmarinta dokumentiyaashooda iyo ugudbinta xeradda sida kumeel gaarka ah dadka loogu hayo iyo in marka ugu dambeysa sidii ay dib ugu soo biiri lahayeen  bulshadoodii.

Arintan waxay  kusoo began tay xili Soomaaliya ay gaadhay guulo mataanaysan sida  yihiin ansixintii Dastuurka cusub kaas oo ugogol xaaraya dawlad federal ah ee cusub, iyo ansixintii uu maxadaweynuhu ku ansixiyey dikreetada Qorshaha Xasilinta iyo Amniga Qaranka.

Qaab howleedkan  wuxuu u abuurayaa daka dagaalka sida rarsmi ah iskaga daayay in ay amni helaan , iyo sidii looga badbaadin lahaa dadwaynaha, kadibnay uu dadwaynaha  u soo dhowayn  lahaayeen. Qorshahan waxa kale ee uu xambaarsan yahay sidii  loo ixtiraami lahaa looguna hogaansanaan lahaa xuquuqul insaanka iyo shuruucda u degsan xiligga Dagaalka.    

Qorshahan dagaal kasaaridu wuxuu leeyahay Xafiisyo iyo Awoodi lagu fulinlahaa oo dhamaantooda kajira Soomaaliya, Mana lamid aha Qorshani,  qorshayaasha caalamiga ah ee dagaal-kasaarida dhalinta, ama hub kadhigista iyo dib-ugubiirinta  bulshada. Wuxuu salka ku hayaa wada shaqeyn dhexmarta beesha caalamka, Dowladda Federaalka, degmooyina iyo  bulshadaba, taas oo mid waliba leeyahay doorkeeda howleed. Dad xirfadlayaal ah oo badan iyo wadatashiyo  ayaa bilaabay bishii July 2012.

Waxaana lala yeelanayey wadatashigass  haya'ddo Soomaaliyeed kuwaas oo isla gartay in nabad waarta lagu heli karo oo kelya marka si nabadi ay ku disantahay wadahadal loola yeesho dadka dagaalamaya loona abuuro fursado kale ee ay ugu noolaan karaan si rayid ah. Shir lagu qabtay Muqdishu bishii Agoosto 2, 2012, ayna ka qaybgaleen  dad badan oo ay khuseeyaan arrimahan, ayaa dib u eegis ku sameeyay  habka caadiga ah ee looga Howlgalo arrimahan. Waxaana ka shiray arrimahan Guddiyo ka socday Wasaaradaha kana hadlaayay Arrimaha khuseeya Dadka dagaalka iska daayay. Waxaana Shir-gudoominaayay Xafiiska Raiisul Wasaaraha.   

Sida hadda loo sameeyey miisaaniyada,   qiyaastii  $ 19 malyuun,  ayaa ku baxaysa  qorshaha jiheynta dhalinta hubeysan, wuxuuna  qiyaas ahaan aad ooga yaryahay kharajka joogtada ah ee hadda kubaxaya  Amisom  iyo hay'adaha amniga iyo kahortaga-argagaxisa.

“Kharajka uu barnaamijkan u baahan yahay waa ka yar yahay kan hada lagalo-ama wax lagu wado sameeyo iyadoo la tixgelinayo yareynta rabshada dagaalka wata”…….

Mashruucan in uu guuleysto waxaa furo u ah is aaminaadda iyo kalsoonidda uu dhalinayo. Waxxana loo baahanyahay in la xaqiijiyo badbaadada qof kasta oo iska daayay dagaalka. Waana in la dhowraa sharciga iyo kala dambaynta, iyo xuquuqul insaanka caalamiga ah. Qaar ka mid ah deeq bixiyayasha ayaa horeyba u siiya taagero dhaqaaale qaybo ka mida qorshahan qaran, laakiin baaqan la soo jeediyey waa mid baahi loo qabo in la helo qorshe mideysan, kaas oo daboolaya dhamaan qaybaha dalka oo dhan.  

Shirkii Gudiga wadajirka ah ee amniga waxaa la soo jeediyey in la dardar geliyo dadaalada socda lana sameeyo baro lagu xereeyo dadka Dagaalka iska dhaayay loona xaqiiyjiyo amnigooda, xeryahaasna laga sameeyo agagaaraha magaalooyinka Marka iyo Kismaayo.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)