Somali News
    Hees  

Dacwad loo haysto Nin lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamadeyntiisu ka socoto dalka Kenya

Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Dacwad loo haysto Nin lala xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamadeyntiisu ka socoto dalka Kenya


Waxaa maanta markale dib uga bilaawday Magaalada Mambaasa ee dalka Kenya dhageysiga dacwadaha loo heysto nin u dhashay Wadanka Britain oo lagu magacaabo Jermaine Grant kaasi oo dhamaadka Sanadkii hore Boliska Kenya ay xireen isagoo xiligaasi la sheegay inuu ka talaabay Soodinta Soomaalia iyo Kenya ay wadaagaan .

Muwaadinka Muslimka ah ee kasoo jeeda dalka Ingiriiska ayaa markii Ciidamada ay gacanta ku dhigayeen uu ku guda jiray sameynta Waxyaabaha Qarxa oo Saraakiisha Boliska ay sheegeen inuu doonayay Qaraxyo uu ka geysto Magaalooyinka Kenya.

Qareenada Difaacaya Jermaine Grant ayaa beeniyay Dambiyada lagusoo oogay oo ay xuseen inay wax kama jiraan yihiin iyadoona Xeer ilaaliya Maxkamada Magaalada Mambaasa uu shaaciyay in Todobaadkan lasoo afjarayo Maxkamadeynta ninkaasi ingiriiska ah hadii Cadeymo lagu helana uu wajihi doona Sanado badan oo Xabsi ah .

Bishii December ee Sanadii hore ayaa Boliska Kenya ay xireen Jermaine Grant oo ah nin Muslim ah oo Da’adiisu tahay 29 jir una dhashay Britain waxaana lala qabtay Labo nin oo Kenyaan ah, islamarkaana lagu kala magacaabo Fouad Abubakar Manswab and Frank Ngala waxaana Dowladda ay ku eedeeysay in xiliga lasoo qabanayay ay qorsheynayeen inay Weeraro ka fuliyaan Magaala Xeebeedka dalka Kenya ee Mambaasa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)