|
Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxaya dagaalo xalay ka kala dhacay Gedo iyo Bakool
Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxaya dagaalo xalay ka kala dhacay Gedo iyo Bakool
Wararka ka imaanaya Gobolada Gedo iyo Bakool ayaa sheegaya dagaalo qaraar oo xalay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaano ka kala tirsan goboladaasi.
Dagaalka xooggiisa ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo,kaasoo ay ku qaadeen dagaalyahanada Al-shabaab fadhiisomooyin ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay ku ahaayeen halkaas.
Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkii xalay ay ku hungoobeen kooxda Al-shabaab isla markaana ay ku fashilmeen,waxaana uu tilmaamay inay iska caabiyeen weeraro isdaba joog ah oo shabaabku ay ku soo qaadeen.
"Lix mar ayey nasoo weerareen waan iska difaacnay, waan ku jebinay dagaalka, waxay ku mashquulsan yihiin ururinta meydkooda, waxay iska soo urursadeen gobolada Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo, dhankeena khasaare waa jiraa laakiin maaha mid badan", ayuu yiri Col. Warfaa Sheekh Aadan.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Faxfaxdhuun, hase yeeshee warar ka madax banaan dhinacayadii dagaalamay ayaa tilmaamaya in dagaalka ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafay 9-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Sidoo kael dagaal isna ka dhacay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu dhaxmaray ciidamada dowlada oo garab Militry ka helaya kuwa Ethiopia iyo kooxda Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay ka dhasheen qasaarooyin iusgu jira dhiamasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Inakastoo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in jkooxihii weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen degmada Xudur.
Dhinaca kale wax war ah kama soo bixin saraakiisha K0oxda Al-shabaab oo ku aadan dagaaladaaasi xalay ka dhacay deegaanka Faxfax-dhuun iyo degmada Xudur.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|