|
Ciidamada Kenya oo toogasho ku dilay dagaalyahano Al-Shabab ka tirsan
Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Kenya oo toogasho ku dilay dagaalyahano Al-Shabab ka tirsan
Ciidamada dawlada Kenya inay toogasho ku dileen Sadex ruux oo looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiib Xarakadda Al-Shabab xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Kenya ayaa sheegay in xadka u dhaxeeya Sooomaaliya iyo Kenya ciidamada illalada ka haya ay toogteen Sadex nin oo hubeysnaa xilli ay ka gudbeen xadka Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolo xeebeedka Kenya Samuel Kilele ayaa maanta u sheegay in ciidamadooda ku sugan Jaziiradda Lamu ay Sadexda ruux ku toogteen dhulka keynta ah ee Booni la yiraahdo halkaasoo uu gudoomiyuhu sheegay inay ka helaan Sadex qori oo nooca Ak-47 la yiraahdo ah iyo bamabaanooyin 60 xabbo gaaraya.
Samuel Kilele ayaa u sheegay in 4 ruux oo kale ay goobta ka baxsadeen iyagoo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana uu intaa ku daray in kooxdaani ay ka koobnaayeen 7 ruux oo hubeysan Kenyana ka galay dhanka Soomaali.
Sidoo kale hay’adaha amaanka wadanka Kenya ayaa ku sheegay magacyada Sadex ruux Jamani Cali Muswadiku oo 30 sano jir ahaa, Mabruuki Sharif Muswadiku oo 26 sano jiraa iyo Haaruun Wasiiri Tinawa oo 17 jir ahaa kuwaasoo ay sheegeen inay u dhasheen wadanka Kenya hase ahaatee ay Shabab ka tirsanaayeen.
Dagaal yahano fara badan oo u dhashay wadanka Kenya ayaa la aaminsan yahay inay ka bar bar dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|