|
Dagaalada ka socda Dalka Syria oo lagu dilay Soomaali fara badan
Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaalada ka socda Dalka Syria oo lagu dilay Soomaali fara badan.
Dad Soomaali ah ayaa waxaa lagu laayay dalka Siiriya oo ay haatan ka jiraan Dagaalo aad u Xoogan, kana dhaxeeyo Dowladda iyo Mucaaradka, iyadoo ay dagaaladaasi u badanyihiin Duqeymo.
3 Ruux ayaa ku Nafweysay halka intaasi ka sii badan ayaa ku Dhaawacmeen Dalka Siiriya, Dadkaani Qasaaraha soo Gaaray ayaa dhamaantood ahaay Soomaalida ku Dhaqan Dalka Siiriya.
Dadkaani Soomaalida ah ee Wax yeelada soo gaartay ayaa lagu sheegay in uu Madafac Hawaaw ah uu ku Habsaday Guri ay ku Jireen, Madafcaasi oo ka mid ah Duqeymo ay Ciidamada Dowladda Dalka Siiriya ka Geysanayeen Caasimada Siiriya.
Sahra Maxamed oo ka mid ah Shaqaalaha UNHCR ayaa sheegtay in ay sii kordhayaan khasaaraha ka soo Gaaraya Dadka Soomaaliyeed Dagaalada ka socda dalka Siiriya, loona bahan yahay inay iskaga soo baxaan dadka Soomaaliyeed Dalka Siiriya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|