Somali News
    Hees  

Qilaafka Raisalwasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Cirka isku shareeray

Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qilaafka Raisalwasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Cirka isku shareeray

Isagoo wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha Soomaalida ugu dhageysiga badantahay ee VOA ayuu raisalwasaaare C/wali Gaas kaga jawaabay hadal uu warbaahinta ka sii daayay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo aheed in wax qaraar ah aysan xukuumada soo saari Karin mar hadii raisalwasaaraha uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynenimada.

Raisalwasaare Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumada ay sii jireyso ilaa ay ka imaaneyso xukuumada cusb ee badaleysa.

“Xukuumada waa ay jireysaa ilaa inta laga dhisaayo xukuumada kale ee maamulka kala wareegeysa ayuu yiri Ra’isalwasaare Gaas oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga kaga qorontahay .

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay Dikreeto uu madaxweynaha ku soo magacaabay degmooyin cusub wuxuuna sheegay in ay sharci daro tahay magacaabsitaan oo aan loo marin nidaamka dowliga golaha wasiiradana la hor keeno si uu ansax ku noqdo magacaabida degmooyinkaas.

“ Arinta magacaabida degmooyinka waxay ka gole wasiiro ahaan nagu beertay walwal tiro badan waxayna u baahan tahay in degmo la magacaabo in golaha wasiirada la sii mariyo laga dodo ka dibna madaxweynaha loo gudbiyo

Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka wuxuuna sheegay in awooda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed gudiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyo shuruudahii iyo in kalewuxuu talo ku bixiyay raisalwasaarahu in ay guddigaas loo madax baneeyo.

Waxaa uu sidoo kale raisalwasaaraha ka hadlay sida uu u arko warbixintii madaxda dowlada ee lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuqmaasuq waxaana iska difaacay eedeyntaa loo jeediyay ee musuqmaasuqanimada.

Laga soo billaabo dowladdii TNG da uu madaxweynahu ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ilaa dowladan TFG-da ee waqtigeedu sii dhamaanaya waxaa caado u noqotay in marka la gaaro xiliga kala guurka ee dowlad kasta ay isku dhacaan madaxweynaha iyo raisalwasaaraha dowlada markaas waxaa soo baxaya in dhinacyada is haya uu midba midka kale ku eedeyo in uu sameeyay talaabo sharci daro ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)