Somali News
    Hees  

Miino lagu aasayay iskuul ku yaala magaalada Marka oo kooxihii aasayay ay la qaraxday

Mogadishu Khamiis 16 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Miino lagu aasayay iskuul ku yaala magaalada Marka oo kooxihii aasayay ay la qaraxday.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab/Al-Qacidda ayaa ku halaagsamay qarax ka dhashay Miino ay ku xirayeen derbiga Iskuul ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose xilli ay horjoogayaasha kooxdaasi iyaga iyo xaasaskoodiiba ay baqdin Aawgeed magaaladaasi u faarujiyeen.

Qaraxan ayaa ka dhacay iskuulka Al-Raxmaan ee ku yaalla bartamaha Magaalada Marko waxaana ku naf waayey dad ka badan Lix ruux oo isugu jira horjoogayaal iyo Malleeshiyaad iyadoo qaraxana uu qeyb ka ahaa Miinooyinka qarxa oo ay Al-Shabaab ku xireen inta badan xarumihii Magaalada Marka ay ka degenaayeen halkaasi oo ay hadda cabsi aawgeed u faarujiyeen.

Dhanka kale malleeshiyaadka ayaa billaabay in ay cabsi geliyaan shacababka ku nool Marka, uguna gooddiyaan in ay gowracidoonaan haddi ay soo dhaweeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo magaalada u jirta masaafa ka yar 40 Kilo Mitir.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu sii kordhayo khasaaraha kooxda Al-Shabaab ka soo gaaray duqeyn shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayadoo dhanka kalena ay Horjoogayaasha kooxdaasi qeylo dhaan iyo wel wel ka muujiyeen duqeymaha lala bartilmaameedsanayo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)