Somali News
    Hees  

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in Zakaatul Fidriga la siiyo dadka mudan ee Diinta fareyso

Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in Zakaatul Fidriga la siiyo dadka mudan ee Diinta fareyso.

Golaha sare Culumaa'udiinkla Ahlusuna Wal-jameeca oo ka hadlay Zakaatul Fidriga ayaa sheegay in la bixiyo Zakatul Fidriga, waxaana ay ku baaqeen in la siiyo Zakada dadka mudan ee diinta fareyso.

Bayaan ka soo baxay Culimada maanta oo jimco ah ayaa lagu sheegay in qof kasta ee Muslim ah ay ku waajib tahay bixinta Zakaatul Fidriga, taasi oo loo baahan yahay in la siiyo dadka fuqurada ah, masaakiinta, deriska, safarka iyo dhamaan inta ay farto Diinta in la siiyo Zakaatul Fidriga.

Culimada ayaa uga digay qoysaska ku nool gobolada dalka in aanay u gacan gelin Zakaatul Fidriga Koox ama qolo gaar ah, sida Al-Shabaab oo ah koox hubeysan, waxaana Culimada ay ku eedeeyeen inay ka bilowday deegaanada ay joogaan in dadka ay si xoog ah uga qaado Zakatul Fidriga.

Waxaa sidoo kale Culimada ay sheegeen in Al-Shabaab oo awoodooda wiiqantay ay doonayaan in Zakada ay dadka ka qaadaan ay u isticmaalaan inay ku gumaadaan isla shacabka Soomaaliyed, isla markaana ay ku iibsadaan Hub si ay dagaalo u huriyaan.

Ugu dambeyn Culimada ayaa tibaaxay in Diinta Islaamka ay qabto in Zakaatul Fidriga la bixiyo ka hor inta aan la gaarin Ciida ama kama dambeys Salaada Ciidul Fidriga, waxaana ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyed in Ciidan ciideeda kale ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)