|
Weriyayaasha Nairobi oo aad uga gilgishay dilka weriyayaasha kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo
Nairobi Jimco 17 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shir ay soo abaabushay Jamciyadda Weriyayaasha Dibad-jooga ah ee Soomaaliyeed isla markaana looga hadlayay dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee lagu hayo weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkan oo ay kasoo xaadireen inta badan weriyayaasha Soomaaliyeed ee qaabka musaafuriska oo kale ah ugu nool dalkan Kenya iyo meelo kale ayaa waxaa lagu xusuusanayay weriyayaashii ugu dambeeyey ee bishan Ramadaan lagu dilay magaalada Muqdisho sida Yuusuf Cali Cusmaan oo ahaa waaya arag iyo macalin saxaafadeed iyo Maxamed Cali (Buneeyste) oo hal maalin Muqdisho lagu dilay, kuwaasoo uu kasii horeeyey Cabdi Jaylaani Marshaale oo ahaa maadyahan Soomaaliyeed oo caan ahaa Allaha u naxariistee.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkan Kenya Ambassador Mohamed Ali Nur (America) oo ka mid ahaa dadkii ka hadlayay munaasabadan baroordiiqda ah ayaa marxuumiinta gacanta ka gardarani dishay Ilaahay uga barayay inuu janadiisa firdoowso ka waraabiyo isagoo balan qaaday in DKMG ah oo uu ka tirsan yahay uu ku boorrin doono wax ka qabashada dhinaca amaanka weriyayaasha Soomaaliyeed ee sida tarab tarabta ah loo laynayo iyagoo aan waxba galabsanin.
Weriyayaashii meesha ka hadlay ayaa iyaguna dowladda KMG ah usoo jeediyay inay xaqiijiso amaanka weriyayaasha maadaama ay ka mid yihiin dadka biri-ma-gaydada ah ee mudan in la dhowro iyagoo gaar ahaan DKMG ah ugu baaqay inay soo qabato falkii ugu dambeeyey ee lagu dilay Maxamed Cali (Buneeyste) oo ku baxay gacanta ciidamo ka wada tirsan dowladda oo is rasaaseeynayay.
Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday in maalin kasta marka weriye la dilo la isu yimaado oo la ooyo iyadoo ay jiraan dad wax ka qaban kara dhibaatadan ma dhamaatada ah. ‘’Markii weriye la dilo waxaa idaacadaha laga shidaa heesta WERIYAHA XAQDHOOWR taasoo sida muuqata aan waxba ka qaban karin dhibaatada weriyayaasha’’ ayuu yiri Cumar Nuur Cabdulle oo laftiisu ah dhibane lagusoo dhaawacay magaalada Muqdisho.
Waa markii 2-aad ee hal maalin laba weriye la dilo tan iyo 11-kii August 2007-dii ooh al mar la khaarajiyay agaasimihii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi iyo Milkiilihii hay’adda warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan Sharma’arke Allaha u naxariistee.
Tan iyo bilowgii sanadkan 2012 waxaa la dilay 12 weriye halka la dhaawacay 15 weriye iyadoo tan iyo 2006-dii oo aad loo karaariyay dilka iyo dhibaatooyinka weriyayaasha dalka Soomaaliya lagu dilay in ka badan 30 weriye halka 150 weriye ay naftooda kala carareen goobihii iyo degaanadii ay ka howlgelayeen iyadoo ay qaarkood haatan ku dayacan yihiin dalalka dibadda oo ay Kenya ka mid tahay.
Xafladdan oo uu xiriirinayay Ismaaciil Shakeeti ayaa waxaa weriyayaashii ka hadlay ka mid ahaa:
Maxamed Hussein Osman Guddoomiyaha SEJASS
Maxamed Xaaji Xuseen Raage
C/raxmaan Xuseen Furre
Tifaftiraha Radio Bar-kulan Saalax Cusmaan Diiriye
Iyo weriyeyaashii Muqdisho lagu soo dhaawacay ee kala ah
C/qaadir Cumar C/lle – Universal TV
Maxamed Nuur Maxamed (Shariifka) Bar-kulan Radio
Muxiidiin Xusni – Radio Shabelle.
Halkudhega Weriyayaasha qurba joogta ah ee SEJASS: ''Jooji dila weriyaha, oo jooji hadda..!!''







Waxaa Diyaariyay Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto:-maxaaji@hotmail.com
Nairobi, kenya
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|