Somali News
    Hees  

AMISOM ma Faragelin doonta Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya

Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM ma Faragelin doonta Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya

Maalinta Isniinta oo lagu wado in Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweyne nimada Soomaalaya ayaa Masuuliyiin u hadashay Ururka Midowga Afrika Waxaa ay ku sheegen in ciidamadooda AMISOM aysan wax
faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliyaaa inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dib u dhici karto.

Ku xigeenka Ururka Midowga Africa ee Arimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo hadalkan sheegay ayaa intaas ku daray in AMISOM ay gacan ka geysanayso oo keliya sugidda ammaanka Muqdisho inta ay doorashadu socoto.

"Murashaxiinta waxaan ku dhiirrigelinaynaa inay diiradda saaraan sidii ay wax uga bedeli lahaayeen mustaqbalka dalkooda, ayna u soo celin lahaayeen nabadda iyo sharciga," ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay inaysan u ogolaanayn in doorashada faragelin looga sameeyo dibadda, isagoo inay rajo weyn ka qabaan in doorashadu ay dhacdo bishan Agu. 20-keeda oo horay loo iclaamiyay.

Wafuula ayaa sidoo kale sheegay in Ciidammo dheeraad ah oo AMISOM ka tirsan Muqdisho la geeyay si ammaanka caasimadda ay u xaqiijiyaan inta ay doorashadu socoto, Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xaamud oo isaguna saxaafadda la
hadlay ayaa sheegay inaysan jirin murashax ay la jirto, balse ay howshoodu tahay inay abuuraan jawi nabadeed oo ay doorashooyin ku dhacaan isagoo xusay in murashaxiinta muhiimka ah ay ku taageerayso gaadiidkeeda gaashaaman murashax walba oo u baahda gacan qabasho dhinaca ammaanka ah.

"Ma jirto cid gaar ah oo ay AMISOM la jirto, balse waxay diyaar u tahay inay kaalin weyn ku yeelato sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka Muqdisho, mana jirto cid aan gaar ula safannahay," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Xaamud oo saxaafadda la hadlayay maanta oo Jimco ah.

Waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan Midowga Afrika uu sheego inaysan wax faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin in ka badan 25-murashax iyo kuwo kale oo wada inay murashaxnimadooda ugu ku dhawaaqmaan maalmahan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)