|
Xildhibaan Xaabsade oo iska fogeeyay inuu ka mid yahay Hogaamiye
Kooxeedyadii Soomaaliya Qahray
Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xildhibaan Xaabsade oo iska fogeeyay inuu ka mid yahay Hogaamiye
Kooxeedyadii Soomaaliya Qahray
Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa ragii laga horjoogsaday in uu
mar kale ka mid noqdo Mudanayaasha Baarlamaanka Qaranka Soomaaliya ka
dib markii lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Hogaamiye Kooxedyadii
Soomaaliya dhibaatada u geystay
Mudane Xaabsade oo la hadlayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in sababta
loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin
Maxkamad dambi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay
warkan.
"Aniga hoggaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u
arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed," ayuu yiri
Xaabsade isagoo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee digil iyo mirifle
aysan lahayn hoggaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayay
beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn.
Mar la weydiiiyay su'aal ahayd inay saameyn ku yeelan karto soo
celinta magaciisa ay soo celiyeen guddiga xulista baarlamaanka ayuu
sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah
gelinayn.
"Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyay shirkii
Embagathi, aniga maxkamad wax iguma soo caddeyn - shuruudaha
Roadmap-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka
mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kaddib
ahaa wasiir," ayuu yiri Xaabsade.
Ugu dabeyn, Xaabsade wuxuu guddiga xulista xildhibaannada baarlamaanka
ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada,
isagoo sheegay inaysan arrintaan DKMG ah iyo Qaramada Midoobay aysan
waxba ka ogeyn.
Guddiga xulista xildhibaanada baalamaanka baarlamaanka cusub ee
Soomaaliya ayaa waxay dhawaanahan dib u celinayeen magacyada xubnaha
looga shakisan yahay inay dambiyo dagaal galeen iyo xubno kale oo
qaarkood lagu celiyay aqoon-darro.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|