|
Sidee loogu diyaar garoobayaa ciidul fidriga magaalada Bossaso ?
Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sidee loogu diyaar garoobayaa ciidul fidriga magaalada Bossaso ?
Iyadoo ay ka dhimanyihiin maalmo qura ciidul fidriga ayaa waxaa laga dareemaya magaalada Bossaso diyaar garaw aad xoogan.
Waxaad arkaysaa suuqyada magaalada Bossaso oo aad mashquul u ah iyadoona looga kala yimid magaalooyinka iyo waliba tuulooyinka ku dhow dhow.
ciidkan aya ah mid kamid ah ciidaha ay leeyihiin umada ismaalmka ah meel kastoo ay kajoogaan dunida ciidan ayaa ah ciid ay umaddu labaxdo fidro ama cuno taas oo lasiinayo dadka masaakinnta.
mar aan dhexmaray suuqa weyn ee magaalada Bossaso ayaa waaxn arkay dad aad ufarabadan oo kuguda jira iibsashada sida dharka dadka waa wayn iyo dharka caruurta iyo waliba kabaha iyo waxyala caruurtu ku ciyaaran waxaana muuqata in sida xiliyada maalintii iyo habenkii si aad ah loo dukaamaysanaayo.
mid ka mid ah ganacsatada suqa magaalada bossaso oo lagu magacaabo yasiin cabdi ayaa uu sheegay websiteka somaliweyn in uu diyaar garawgu maraayo heerkii ugu sareeyey ee abid iyada oo laysaga yimid sida aan soo sheegay magaaloyinka ku dhaw dhaw Bossaso.








Qore Mubaarak Salad Cali (Bossaso)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|