|
Kulan Taageero iyo Soo dhaweyn oo dalka Holland loogu sameeyay Musharaxa Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Isilii ee dalka Kenya Dr Maxamed Guuleed [Sawirro]
Holland Jimco 17 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan Taageero iyo Soo dhaweyn oo dalka Holland loogu sameeyay Musharaxa Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Isilii ee dalka Kenya Dr Maxamed Guuleed [Sawirro]
Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Amsterdam iyo Nawaaxigeeda ee (SOMVOA) ayaa kulan balaaran oo afur ahaa kusoo dhaweesay Musharax, Dr. Maxamed Guuleed oo u taagan xilka Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Isilow ee dalka Kenya, iyadoona kulankaasi ay kasoo qeyb galeen, Aqoonyahano, Ururada Soomaalida ee dalka Holland, Odiyaal, Wax garadka iyo Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Amsterdam iyo Nawaaxigiisa.
Kulanka oo sidoo kale ahaa mid Jaaliyada Soomaalida Amsterdam ay ku taageereesay Musharax Dr. Maxamed oo dhawaan soo gaaray dalka Hollland, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Mas'uuliyiinta ugu sareesa Jaaliyada Soomaalida Magaalada Amsterdam, oo iyagu si weyn horey ula soo shaqeeyay Dr. Mohamed Guuleed.
Maamulaha Guud ee Jaaliyada Amsterdam, Dr Ali Abdi Waare oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada soo dhaweynta iyo Taageerida, ayaa waxa uu ku dheeraaday Aqoonta uu u leeyahay Maxamed Guuleed, Asigoona sheegay in Maxamed Guuleed uu ka mid yahay dadkii sida weyn ugu soo shaqeeyay dhisida Jaaliyada Soomaalida ee Amsterdam, Asigoona noqday buu yiri Dr. Maxamed Xoghayihii ugu horeeyay ee (SOMVOA).
Dr. Waare waxa uu sheegay in Maxamed uu yahay shaqsi had iyo jeer ka shaqeeya sidii la isgu keena lahaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana taa ay mar-qaati ka tahay howshii uu usoo qabtay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Amsterdam, Asigoona rajo wanaagsan ka muujiyay in marka uu ku guuleesto Musharax-nimadiisa qeyb weyn uu ka qaadan doono isku keenida Soomaalida Kenya iyo dadka Kenyaatiga ah.
Avv. Muuse Xirsi oo ka mid ah Madaxda sare ee SOMVOA, ayaa dhankiisa ku dheeraaday Aqoonta uu u leeyahay Maxamed Guuleed, Asigoona sheegay in Maxamed uu yahay Shaqsi Wax ku bartay dalka Hollland, isla markaana kasoo qeyb qaatay isku keenada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland, waxa uuna sheegay in ka sokow Xoghayihii ugu horeeyay ee uu ka noqday Jaaliyada Soomaalida uu ahaa shaqsigii kasoo shaqeeyay Helida Barnaamijkii Waxbarashada ee SOMVOA.
Musharax Dr. Maxamed Guuleed oo la hadlay qeybihii bulshada ee kasoo qeyb galay soo dhaweyntiisa iyo taageerida loogu sameenayay dalka Holland, ayaa halkaasi kusoo bandhigay Warbixin dheer oo la xariirtay Howsha Olalihiisa, Taariikhda ay leedahay Gobolka uu tartanka ugu jiro, iyo Mustaqbalka waxa uu qaban doono hadii uu ku guuleesto Jagada Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Isilow.
Gobolka Isilow ayuu sheegay in uu yahay Gobol Asal ahaan ay Soomaali dagto, isla markaana Xilligii Gumeysiga Ingiriiska ka dib markii uu dhacay dagaalkii Shiftada ay halkaasi isaga carareen Soomaalidii dagneed, taasina ay sabab u noqotay in Soomaalida ay halkaasi ku yaraadaan, balse xilligaan ay tartankiisa fursad weyn u tahay Soomaalida, isla markaana ay sahli karto in dadkii soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtaan Gobolka, Asigoona sheegay in uu ka shaqeyn doono isku keenida Soomaalida Gobolkaasi iyo qowmiyadaha kale ee dega Gobolka.
Waxa uu sidoo kale Dr. Maxamed Guuleed sheegay in uu ka shaqeyn doono Horu-marinta ganacsiga iyo Xiriirka uu gobolka la leeyahay caalamka "Waxaan dhawaan booqday wadamo ka tirsan Khaliijka sida Qatar oo aan ka wada hadalnay ka ganacsiga Xowlaha, maadaama dadka gobolka ay yihiin Xoolo dhaqato, waxaana rajeenayaa in ganacsiga Gobolka uu la yeelan doono wadamada Khaliijka uu noqon doono mid toos ah" Ayuu yiri Maxamed Guuleed oo hadalkiisa raaciyay in Gobolka uu Sanadaha soo socdo noqon doono Gobol dhaqaalo.
Mar uu ka hadlay Rajadiisa ku aadan in uu ku guuleesto Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Isilow, ayuu sheegay in dhawaan uu ku guuleestay Tartan doorasho oo dhex maray Asiga iyo 3-Musharixiin oo mid ka mid ah laga doonayay in uu usoo gudbo Musharax-nimada Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka, isla markaana uu ku guuleestay tartankaasi, balse xilligaan uu sugayo oo kaliya doorashada dhaceesa Bisha () ee Sanadka 2013.
Mustaqbalka Soomaalida ku nool dalka Kenya.
"Dalka Kenya waxaa ka dhaqan galaya Dastuur Cusub oo dhawaan laga ansixiyay guud ahaan dalka, Dastuurkaas waxa uu dhigayaa Qofkii dalka ku sugnaada Muddo 7-sano in uu helayo sharciga dalkaasi, waxaana ognahay in soomaali badan ay dalka joogaan Muddo ka badan 7-sano, waa muhiim in ay ka faa'ideestaan Fursadaasi oo ay sharciyada raadsadaan"Ayuu yiri Maxamed Guuleed oo Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ku booriyay in ay ka faa'ideestaan fursadaha uu siinayo Dastuurka cusub ee dalka Kenya.
Dr Maxamed Guuleed waa aqoonyahan Cilmiga (Technology) ku bartay dalka Holland, iyadoona lagu xasuusto wax qabadkii iyo dadaalkii uu kasoo maray dhisida iyo Howlihii Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Amsterdam iyo Nawaaxigeeda (SOMVOA), waxa uuna Sanadkii 2005-ta dib ugu laabtay Gobolka Isilow ee dalka Kenya oo uu ku dhashay, Taasi oo uu xilligaan ugu tartamayo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Mas'uuliyiin kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen, Aqoon-yahan Xasan Elmi oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Xisbiga Hiil-Qaran Faraca Holland, Aqoonyahan C/shakuur oo ka mid ah Howl-wadeenada Hey'adda HIRDA, Axmed C/wahaab oo ka mid ah Saraakiisha Dalmar, Xoghayaha Hey'adda Wehel Maxamed Cabdi, Aqoon-yahanka da'da yar Mashcal iyo Mas'uuliyiinta Hey'adda Agrisom Faraca Holland.






Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederland.
Email: s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|