Somali News
    Hees  

Boubacar Diarra: “Waxaan QM iyo beesha caalmka aan uga baahannahay inay naga saacidaan qalabka dhinaca militriga..."

Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Boubacar Diarra: “Waxaan QM iyo beesha caalmka aan uga baahannahay inay naga saacidaan qalabka dhinaca militriga iyo tababarka oo ay nasiiyaan diyaarado dagaal iyo askar dhinaca cirka.."

Boubacar Diarra oo kamid ah guddiga midowga africa u qaabilsan somalia oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia ayaa QM iyo beesha caalamka waxa uu ka dalbaday in si deg deg ah loo siiyo badal u dhigma diyaaradihii dagaalka ee midowga africa oo iyagoo ku soo wajahan dalka somalia ku bur buray hawada dalka kenya .
Boubacar Diarra waxa uu sheegay in la joogo waqtigii beesha caalamka iyo QM ay il gaar ah ku eegi lahaayeen xaaladda dalka somalia uu kujiro oo uu ku tilmaamay xaalad xasaasi ahoo lama huraan ay tahay in laga hortago cid waliba oo isku dayda carqaladeynta wadada somalia looga saarayo KMGnimada.

“Waxaan QM iyo beesha caalmka aan uga baahannahay inay naga saacidaan qalabka dhinaca militriga iyo tababarka oo ay nasiiyaan diyaarado dagaal iyo askar dhinaca cirka “ayuu Boubacar Diarra ka sheegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia isagoo sii raaciyay In la helo qalab militri waxa ay sahleysaa in laga hortago kooxo uu ku sheegay inay diidan yihiin nabad ku soo dabaalidda dalka somalia

Dowladda uganda oo iyadu laheyd diyaaradaha dagaalka ee bur buray ayaa sheegtay in bur burka diyaaradaha aysan hagad gelindoonin howlgalka ka dhanka ah Al shabab oo AMISOM ay ka wado dalka somalia .

Dhinaca kalana afayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalka kenya oo layiraahdo Bogita Ongeri ayaa sheegay in howl galkii gurmadka ahaa ee loo sameenayay saraakiishii saarneyd diyaaradihii bur buray ay soo gabagabeeyeen islamarkaana ay heleen meydadka 7 sarkaal oo ciidamada cirka uganda ka tirsan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)