|
Musharixiin haween ah oo sheegay in haddii la doorto ay somalia dhibaatada ka saarayaan
Mogadishu Jimco 17 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharixiin haween ah oo sheegay in haddii la doorto ay somalia dhibaatada ka saarayaan.
Amal Abdi Ibrahim iyo Asha Ahmed Abdalla oo jecel inay madaxweyne ka noqdaan dalka somalia oo la hadlay tv la yiraahdo FinishTV ayaa waxa ay sheegeen in haweenka soomaaliyeed ay yihiin kuwa inta badan dhibaatadu ay ka soo gaartay burburka dalka somalia uu ku jiro 21ka sano kabadan hadii ay qabtaan xilka madaxtiminada soomaaliyana waxa ay sheegeen inay wax badan ay ka badalayaan xaaladda somalia oo dalka horumar ay gaarsiinayaan.
Asha Ahmed Abdalla waa markii labaad oo jeclaato in la dhaho madaxweynaha somalia , horay waxa ay uga qeyb qaadatay doorashadii madaxtinimo ee somalia oo sanadkii 2004ta lagu qabtay dalka kenya ee uu ku soo baxay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore Abdullahi Yusuf Ahmed ..
Asha waxa ay dowladda KMG ee maalmo kadib dhici doonta iyo odoyaasha ku eedeysay in haweenku ay u diidan yihiin in kuraasta barlamaanka cusub ay ka helaan 30% taasina ay muujineyso in haweenka soomaaliyeed loo diidan yahay in hogaaminta dalka somalia doorkooda ay ka ciyaaraan waa sida ay tiri.
Sidoo kale Amal Abdi Ibrahim oo 37sano jir ah oo 20 sano ku nooleyd dalka Finland ayaa Televisoinka Finish Tv u sheegtay in haweenka soomaaliyeed xilligan ay u baahanyihiin in la caawiyo oo dhibaatada laga saaro , iyaduna ay karti u leedahay in dalka somalia ay badbaadiso oo horumar ay u horseeddo.
Dastuurka lagu muranyahay ee somalia ayaa qoraya in haweenka soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan 30%kiiba taa oo micnaheedu uu yahay in 83 kursi ay ku leeyihiin 275ta kursi ee barlamaaka cusub.
Shareecada islaamka ayaa dhigeysa in ruux haweeney ah aan loo ogoleen inay madaxweyne noqoto ama xil sare ay qabato balse Amal Abdi Ibrahim iyo Asha Ahmed Abdalla ayaa ku doodaya in xil sare ama madaxwene ay noqonkaraan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|