Somali News
    Hees  

Maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo tababar loo soo gabagabeeyay (Daawao sawirada)

Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo tababar loo soo gabagabeeyay (Daawao sawirada)

Xarakada alshabaab ayaa waxa ay tababar ugu soo gaba gabeysay boqolaal askari magaalada buula burde ee gobolka hiiraan iyagoona alshabaab sheegeen in ayka qeyb qaadanayaan dagaalka aykula jiraan ciidamada ethiopia iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in askarta tababarka loo soo xiray ay yihiin arday iyo macalimiin ku sugnaan magaalada buulo burde kuwaas oo al shabaab ay ku dhiiri galiyeen in ay ka ku biiraan al shabaab bilihii dambena taba baro ku qaadanayay xero ciidamada lagu taba baro oo lagu magacaabo qaalid binu waliid taa oo ku taala magaalada buula burde ee gobolka hiiraan.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee buula burde ayaa u soo xiray taba barka ciidanka waxaana uu u sheegay in tababarka ay qaateen looga baahan yahay in ay ku difaacaan shacabka ku dhaqan gobolka hiiraan oo ay dagaal la galaan ciidamada dowlada iyo kuwa eithopia oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka gobolkaasi .

Waxaa kaloo uu sheegay in Al Shabaab ee degmada buulo burde in ay dhawaan taba bar kale uga furayaan isla xerada kuwaan loogu soo xiray askar kale oo ku soo biireysa al shabaab oo hadaba uu sheegay in ay diyaarsan yihiin.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)