|
Muqdisho iyo sida loogu diyaargaroobay Munaasabada Cidul Fidriga (Daawo sawirada)
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Muqdisho iyo sida loogu diyaargaroobay Munaasabada Cidul Fidriga (Daawo sawirada)
Diyaargarow aad u baaxad leh ayaa laga dareemayaa suuqyada Muqdisho, iyadoo dharka, kabaha, uduga, xalwada, buskudka & inkaaniyaadka la isticmaalo sida qalabta ciyaarta ee carruurta.
Waxaa dadka aay aad ugu xoonsanaayeen dawaarada, bacadlayaasha, Xarumaha xalwada halkaasi oo ay dadka ugu jireen diyaar garowgi ugu dambeeyay ee maalinta ciidul Fidriga oo sanadkaani si weyn uga gadisan sanadihi hore ee soo maray magaalada Muqdisho.
Dhanka kale mar aan tagnay Suuqa Sanca ee Degmada Kaaraan ayaa waxaan kula kulanay haween dawaarka tolaya dharka nuucyadiisa kale duwan kuwaasoo tartan xoog leh kula jira ragga suuqa.
Waxaa Ciidani kaga duwan tahay Magaalada Muqdisho oo si xur ah loo ciidayo, waxaana dadka aay ka reesteen xabadii & madaafiicdii martida u ahaa had iyo goor. Waxaa wadooyinka loo marayaa si raxan raxan ah. Gaadiidka BLka waxa aay ka heleen sida ay inoo sheegeen macaash fiican maadaama uu dadka socodkiisu badan yahay.
Suuqa Bakaaraha ayaa iyadana meel cag la dhigoba lahayn iyadoo dadka aay buux dhaafiyeen gudaha oo xitaa ganaacsatada u diiday fursad aay ku nastaan. Mid ka mid ah Ganaacsatada Suuaqa Bakaaraha oo inoo waramaya ayaa sheegay in Suuqa uusan arkin ganacsi sidaan u nabdoon muddo 6 sanno waana xilliga ay soo baxeen Maxaakiimta ilaa haatan xaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Muqdisho maanta waxaay ciida ku soo dhaweyn doontaa farxad, raynrayn & isbedel siyaasadeed oo la sugayo in lagu dhiso dowlad cusub.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|