Somali News
    Hees  

Bilashada Ciidul Fitriga oo caawa looga dabaal degay Muqdisho iyo gobolada dalka

Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Bilashada Ciidul Fitriga oo caawa looga dabaal degay Muqdisho iyo gobolada dalka

Dhammaan dalalka caalamka ayaa waxaa caawa ka bilowday dabaaldegga bilshada Ciidul Fitriga, iyadoo wadamada Islaamka ay ka bilaabatay fantasiyaha iyo damaashaadka Ciidul Fitriga.

Magaalada Muqdisho waxaa mar kaliya laga riday Bulleer iyo rasaas cirka loo ridayay, taasi oo loogu dabaal degayo Ciidul-Fitriga markii ay arkeen bisha Soonfur, waxaana magaalada Muqdisho oo dhan ay dadweynaha si weyn ugu farxeen Ciidul Fitriga, iyadoo magaalada xalay si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan dadweynaha.

Sidoo kale degaanada Somaliland, Puntland, Hiiraan, Sh/hoose iyo Sh/dhexe, Jibbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool ayaa dadweynaha degani waxay u dabaal degeen bilshada Ciidul Fitriga, waxaana dhammaanba masaajida laga akhrinayay salaadda Ciidda.

Dhinaca kale inkasta shacabka Soomaaliyeed bishii Ramadaan ay kala soomeen, ayaa hadana waxaa muuqata inay ka midoobeen bilshada bisha Ciidul Fitriga, waxayna shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaanba isugu hambalyeynayeen gudashada bisha Ramadaan iyo dhalashada Ciidul Fitriga, waxaana caawa waddooyinka Muqdisho u soo baxay iyo dadweyne fara badan oo u dabaal degaya Ciida, kuwaasi oo isku hambalyeynaya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)