|
Madaxweynaha Oo Shacabka Ciidda Ugu Hambalyeeyey,Kulanna La Qaatay Saraakiishii Hore Ee Ciidammada
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa
shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasadda Ciidul-Fitri-ga,
isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle ka baryaan inuu dalka
iyo dadka noo badbaadiyo.
Hadalkii uu ugu talo galay shacabka ayuu madaxweynuhu ku sheegay in
Ciiddan uu waddanku horumar ka sameeyay dhinacyada ammaanka iyo
siyaasadda, ayna muhiim tahay in Alle looga mahac celiyo si uu umadda
ugu siyaadiyo. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu dadka Soomaaliyeed ugu
baaqay in ay ciidda uga faa’iideystaan inay is cafiyaan.
“Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed meeley joogaanba Ciid
Wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa inuu Alle nagu gaarsiiyo horumar iyo
nabad intaan ka badan, waxaan rajeynayaa inaan si wanaagsan uga
faa’ideysano munaabasabadan maadaama aynu gudanay waajibaadkii bisha
soon,umadana waxaa laga rabaa iney Alle wadajir u baryaan, niyadoodana
isku furaan ayagoo wadajir ugu duceysanaya inuu dalku noo noqdo
nabad” ayuu yiri madaxweynuhu.
Dhinaca kale madaxweynaha ayaa kulan casho ah la qaatay saraakiishii
hore ee ciidamada qalabka sida oo ka yimid qaaradda Yurub iyo
Mareykanka, kuwaas oo ka qeyb qaatay diyaarinta qorshaha ammaanka
dalka iyo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee
waddanka.
“Saraakiishaan waxey nooga yimaadeen meelo kala duwan oo Mareykanka
iyo Yurub ah, waxeyna in muddo ah ku howlanaayeen qorshihii diyaarinta
amniga dalka iyo sidii loo xoreyn lahaa waxeyna noogu yimaadeen sidii
qorshahaasi iyo talooyinkii ay soo jeediyeen loo hirgelinlahaa ayadoo
hadba aan waafajineyno tabarteenna inta ay la egtahay afarta ma shanta
sano ee soo socota”
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waaya aragnimada saraakiishan ay
xaqiijin karto in dalku uu helo markale helo ciidamadii qalabka siday
ee uu lahaa, isagoo uga mahad celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen
hagaajinta ammaanka iyo ciidanka.
“Dal aan ciidan laheyn nabad ma naqan karo waxaanna wadnaa inaan dib u
dhisno Ciidammadeenna Qalabka Sida khibradda ay saraakiishaan
leeyihiinna waan ku kalsoonnahay waxaanna uga mahad celinayaa sida ay
u go’aansadeen iney dalalkii ay ku noolaayeen kasoo tagaan oo ay
dalkoodii yimaadaan,taasna waxaa garan kara qof wadani ah”
Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Axmed
Ismaaciil oo ka hadlay kulanka cashada ah ayaa madaxweynaha ku amaanay
dowrka ay dowladdiisu ku bixisay dib u soo nooleynta ciidamada qalabka
sida iyo waliba isu keenidda saraakiishii hore oo aan dib u kulmin tan
iyo burburkii dalka. Wuxuuna codsaday in laga faa’iideysto maskaxda ay
bixiyeen saraakiisha.
"waxaanu rajeyneynaa in saraakiisha hada joogta iyo dowladda imaan
doonto iney qibradaasi ka faa’ideystaan waanna ku kalsoonahay in la
hirgelin doono,waxaanna aad ugu ammaanayaa Dowladda hada jirta sida ay
waqtiga ugu bixisay soo nooleynta Ciidammada qalabka sida iyo isku
keenida saraakiishii hore si gaar ah waad ku mahadsantahay Mudane
Madaxweyne waxaanna kuu rajeyneynaa inaad dadaalkaaga sii wadid”ayuu
yiri Ismaaciil Axmed Ismaaciil.
Kulankan cashada ah waxaa ka qeyb galay Wasiirka difaaca Xuseen Carab
Ciise, Taliyaha XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha
ciidamada booliska Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha ciidamada Asluubta
iyo ku xigeennadiisa iyo in ka badan 10 ka mid ah saraakiishii hore ee
dalka.





Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|