|
Mwai Kibaki : "Soomaalida waqti badan ayaa ku socda laakiin annagu waxaan cadaynaynaa in dawladeenu aysan raali ka ahayn in la carqaladeeyo..."
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mwai Kibaki : "Soomaalida waqti badan ayaa ku socda laakiin annagu waxaan cadaynaynaa in dawladeenu aysan raali ka ahayn in la carqaladeeyo hanaanka nabadda Soomaaliya iyo doorashooyinka madaxtinimo..."
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku hanjabay inuu cuna qabatayn kusoo rogi doono dad uu ku tilmaamay inay yihiin qas wadaashasha Soomaaliya haddii ay carqaladeeyaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya iyo hanaanka nabadaynta Soomaaliya.
M/weynaha Kenya waxaa uu sheegay inay in dawladiisa aysan marnaba aqbali doonin in shaqsiyaad Soomaali ah oo ka hor imaanaya hanaanka Roadmap,ka iyo doorashooyinka madaxtinimada ay dalkeeda galaan kadibna ay ku noolaadaan waxaana uu intaa kudaray indawladiisu cuna qabatayn doonto.
Mwai Kibaki waxaa uu sheegay inuu digniin kulul u dirayo siyaassiinta Soomaalida oouu sheegay inuu uga digayo inay qaswadayaasha ku biiraan waxaana uu xusay ciddii ay ku cadaato inay tilaabo dawladiisu ka qaadayso.
"Soomaalida waqti badan ayaa ku socda laakiin annagu waxaan cadaynaynaa in dawladeenu aysan raali ka ahayn in la carqaladeeyo hanaanka nabadda Soomaaliya iyo doorashooyinka madaxtinimo" ayuu yiri Madaxweyne Kibaki.
Dawlada Kenya oo Soomaaliya daris la ah ayaa ku lug leh arrimaha Soomaaliya amni ahaan iyo siyaasad ahaanba.
Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa inta badan marka ay Soomaaliya ka tagaan waxay dagaan dalka Kenya halkaasoo ay mararka qaar ka mucaaradaan hadba dawlada markaa jirta.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|