|
Musharax Yaasiin Maaxi oo si kulul uga hadlay Laba arin oo caqabad weyn ku ahay Nabada ka dhalata Somalia
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharax Yaasiin Maaxi oo si kulul uga hadlay Laba arin oo caqabad weyn ku ahay Nabada ka dhalata Somalia.
Musharaxa u Tartamaya Doorashada Xilka Madaxweynaha Jamuuriyada Somalia Mudane Yaasiin Maaxi Macalin oo la hadlayay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay Xaalada kala guurka ah ee uu ku sugan yahay Dalka Somalia.
Mudane Maaxi waxuu ka hadlay arimo uu ku tilmaamay in ay caqabad ku yihiin in dalka Somalia uu helay Nabad iyo kala dambeeyn mar uu ka hadlayay Laba arin uu sheegay waxa uu yiri.
"Somalia laba arin ayaa hortaagan hadii la rabo in la helo Nabad waa in meesha laga saaraa laba arin oo muhiim ah oona hortaagan Nabada Somalai waana Musuqmaasuq iyo Qabiil" ayuu si kulu u yiri Mudane Maaxi.
"Tusaale Hada guddiga soo xulaya Xildhibaanada la doonayo in dalka Somalia uu yeesho waxaa dhibaato xoogan ku hayo Musuqmaasuq oo gacmaha la la soo galaya howsha ay wadaan waana arimo ka dhan ah oo laga xumaado qof howshiisa in lagu fara geliyo". ayuu mar kale raaciyay hadalkiisa Mudane Yaasiin Maaxi Macalin.
Dhan kale waxuu si qoto dheer uga hadlay uu uu ku tilmaamay in Somalia meesha ay maanta taalo dhigay Qabiil waxuuna ku tilmaamay dhibka ugu weyn in uu yahay arinkaasi.
Mar uu ka hadlayay Qabiilka waxuu yiri Mudane Maaxi.
"Qabiil iyo Qaran waa in aan kala dooranaa Qabiil waa kan maanta nadhigay halka aan joogno Qarana waa kan aan dooneeyno in aan dalkeena ku hormarino oo aan helno Nidaam iyo kala dambeeyn waana in an marka hore kala dooranaa Qabiil iyo Qaran labaas isma qaataan" ayuu ku cel celiyay Mudane Yaasiin Maaxi.
Ugu dambeeyntii Siyaasigaan dhalin yarada ah ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka in ay dhibaato ku noqon fursadaan qaaliga ah ay heestaan Dadka Soomaaliyeed oo aayahooda gacantooda ku jiro si ay uga baxaan dhibta mudada dheer hortaagneeyn in ay helaan Nidaam Dowladeed ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.
Hadalkaan ka soo yeeray Musharax Yaasiin Maaxi ayaa ku soo beegmayo xili haatan la soo bandhigay qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub asagoo ku tilmaamay in weli musuqmaasuq lagu hayo soo xulida Xildhibaanada waxaana ilaa haatan la soo gudbiyay 202 Xildhibaan taas oo aan weli dhameestirmin soo xulida Xildhibaanada la sugayo in uu yeesho Wadanka Somali.

Madaxa Olalaha Doorashada
Musharax Yaasiin Maaxi Macalin
Muqdisho Somalia.
18.08.2012
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|