|
Ciidaha marka la gaaro caruurteena ayaan u cabsanaa!!
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidaha marka la gaaro caruurteena ayaan u cabsanaa!!
Sanad walbo marka la gaaro dhamaatka bisha Ramadaan waxaa suuqyada Magaalada Muqdisho lasoo camiraa allaabo loogu talagalay in ay ku cayaaraan caruurta, allaabadasi ayaa isugu jira kuwo dhibaato u keena Caruurta Soomaaliyeed iyo kuwo iska caadi ah, allaabadaha oo ganacsi ahaan loo keeno waxaa ka mid ah sida Baaruudaha dabka bixiya, Biikh biikh laha, iyo Bastooladaha Caaga ah oo Baarooda ka qaraxda.
iyadoo ay xaalada Magaalada Xamar iska cakiran tahay ayaa hadana waxaa nasiib daro ah in ganacastadu dalka keenaan allaabo aan ku habooneyn ubadkeena Caafimaad ahaan iyo cayaar ahaanba islamarkaana u keeni kara qatar.
Waxaa la wada ogsoon yahay inta badan in dilalka qorsheysan loo adeegsaddo fulintoodda Caruurta yar yar, sidaa daraadeed Caruurtana waa kuwa ugu xiiseyn og qaadashada Bastoollada caaga maalmaha ciida, waxaana dhacda in markastaahi laga shakiyo iyaddoo ay dadkoo dhan wada feejigan yihiin dilalka qorsheysan oo kusoo batay Muqdisho awgeed.
-ma illaabi karo Ciiddii hore qiso xanuun badan oo aan la kulmay anigoo wadada maraya isheydu qabatay wiil da'diisu aan ku qiyaasay illaa sagaal jir oo sitay Bastoolad caag ah oo runtii u ekeyd mida runta ah, wiilku oo wada dhinac socday ayaa durbadiiba waxaa ka hor yimid laba nin oo askarta dowlada ah oo wadada dhinaceedda socday, wiilkii yaraa bastoolada hoos ayeey ugu jirtay laakiin waa ay ka muuqatay waxaa dhacday in askartii madaxa qori ka saareen wiilka iyagoo u haystay mid halis ku ah oo dhabarka ka toogan raba.
Nasiib wanaag waxa ay ogaadeen in ay mid caag ah tahay......... Bal karawan haduu wiilku carari lahaa qatarta ka dhalan kartay.....???
Waxaa jira bastoolado aad u xoog badan caruurta ay ku cayaaraan oo aan aheyn kuwa baarooda kaasoo ka dhaca Miro yar oo Qatar halis ah u geysan karta dhanka indhaha.
Qataraha ay geystaan aad ayeey u fara badan yihiin Allaabada la keeno ciidaha waxaa ka mid ah Baarooda qaraxda oo cirka u baxda oo ka baxa faniin taas oo bulshadu wax yeeleyso iyo caruurtaba,
waxaa kaloo jira Firinbi BIIKH BIIKH Caruurta ka siiyaan kaasoo oo aan dhihi karo farsamadiisa waa ay ku qaldanaayeen cidiii sameysay firinbigan waxaa ku jira biro yar yar oo caruurta marka ay neefta gadaal u jiidaan si ay u Afuufaan ku carara,
Sanadkii hore waxaa ugu geeriyooday wiil yar ka dib markii uu neef mareenka kaga dhagay kaas oo is bitaalada magaalada Muqdisho wax loogu qaban waayay kadibna u geeriyooday waayo meesha uu qabsaday firinbiga biraha yar oo ka booday kuna haaday wiilka ayaa aheyd meel aad u qatar ah oo ay ku deg degi waayeen qaliin dhaqaatiirtu sidaana ku geeriyooday inankii yaraa ee ciideysanayay.
Caruurta Soomaaliyeed ayaaba waxaad moodaa in ay si aad ah uga hellaan isticmaalka allaabadaan waayo sidii ay u dhashteenba waxa ay indhaha kusoo kala qaadeen wadanka oo xabad ka socoto oo Hubka dadka waaweeyn garabka u wada saran yahay magaaladana iska socdaan iyagoo ku xarakoonaya, marka iyagana ku cayaarka bastooladaha caaga lala yaabi mayo.
aad ayaan ugu Xumahay runtii in ay ganacsatadda aysan qatarahaas oo dhan darteemeyin iyagoo og in dalka xaallad addag ku jira hadana qeyb ka qaataan in ay caruurta wax aan faaido u aheyn u keenaan, ugu danbeyntii waxaan si naxariis leh ugu codsanayaa ganacsatadda haddii ay talladeyda yeelayaan in ay mamnuucaan keenidda Bastoolladdaha Baaroodda ka qarxa & Biikh Biikh laha qatarta ah ee ay caruurtu sida aadka ah u xiiseeyaan.
W/D Asad Abukar Ali
asaddhayow@gmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|