|
Odayaasha dhaqanka oo shaaca ka qaaday in Cid'aan iyaga aanay soo gudbin aysan kama mid noqon karin Baarlamaanka Somalia
Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Odayaasha dhaqanka oo shaaca ka qaaday in Cid'aan iyaga aanay soo gudbin aysan kama mid noqon karin Baarlamaanka Somalia
Kulan nagaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka ayaa waxaa ay eedeyn dusha uga tuureen gudiga Farsmada ee soo gudbinaya xildhibaanada ay soo xulayaan odayaasha.
Odayaasha ayaa tilmaamay in gudiga Farsamada aanay kala saarsaari karin xubnaha ka mid noqonaya baarlaamaanka ee ay soo xuleen Odayaasha, waxaana ay tilmaameen Odayaasha in gudoga Farsamada looga baahanyahay inay meel mariyaan oo kaliya xubnaha loo soo gudbiyay.
Gudoomiyaha gudiga xalinta Khilaafaadka Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudiga farsamada aanay ka saari karin Baarlamaanka xubnaha ay soo xuleen.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday Garaadka inaysan u hogaansami doonin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in cid iyagu aysan soo gudbin lagu daro Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Hadalka Odayaasha ayaa imaanaya xili muran weyn uu ka taaganyahay liis dib ay u celiyeen gudiga Farasamada kuwasoo ay ku eedeeyeen inay ka soo bixi waayeen Sharuudihii laga rabay halka qaar kalena ay ku eedeeyeen inay yihiin Hogaamiye kooxeedyo halka kuwa kalena ay ku eedeeyeen inay yihiin Xagjiriin ama Islaamiyiin Mayal adag.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|