Somali News
    Hees  

Kooxo doonaayay in Qarax u dhigaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee degmada Belad-Xaawo oo iyagii ku qaraxday

Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo doonaayay in Qarax u dhigaan Ciidamada Dowladda KMG ah ee degmada Belad-Xaawo oo iyagii ku qaraxday.

Qarax xooggan oo ay ku dhinteen dadkii waday ayaa la sheegay in xalay uu ka dhacay degmada Belad-xaawo ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino la doonayay in lagu aaso suuqa Bacadlaha ee degmadaasi, waxaana la tilmaamay inay miinada qaraxday imtii la aasayay.

Gaashaanle Dhexe Aadan Axmed Xirsi Rufle oo kamid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo ka warbixyay qaraxa ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ay ku geeriyooden sadeex ruux oo loo maleeynayo inay ahaayeen raggii dhigayay qaraxa.

"Adeer qaraxu waxa uu ka dhacay meel u dhow Suuqa Bacadlaha Beledxaawo, waxaana ku dhintay saddex katirsan Al shabaab oo dhigayay qaraxa, Alle ayaa iyaga ku sababay waxay rabeen in ay suuqa geliyaan kuna dhibaateeyaan dadka u diyaargaroobaaya Ciidda" ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Aadan Axmed Xirsi Rufle.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in goobta uu qaraxa ka dhacay xalay ay soo gaareen ciidamo la tirsan dowlada KMG ah ee ku sugan belad-xawwoo waxaana la tilmamay in ciidamada ay Baaritaano ka sameeyeen xaafadaha ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)