Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif: "Haddii la iga guuleysto doorashada xilka waan ka degayaa..."

Mogadishu Sabti 18 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Shariif: "Haddii la iga guuleysto doorashada xilka waan ka degayaa..."

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee xilligeedu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan, doorashooyinkaasi oo lagu dooranayo shaqsiga Madaxweynaha ka noqonaya Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Ugu horeyntii waxa uu sheegay Madaxweyne Shariif Shariif natiijada ka soo baxda doorashada dhowaan dalka ka dhaceysa ee lagu dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoona sheegay inuu ku qancayo natiijada ka soo baxda doorashadaasi uuna diyaar u yahay haddii laga guuleysto inuu xilka isaga degayo.

"Waxaan aqbalayaa natiijada ka soo baxda doorashada, haddii la iga guuleystana xilka waan ka degayaa" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo intaasi raaciyay inay jiraan caqabado yar yar oo xilliyada qaarkood ka imaanaya horay u socodka nabadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga xulinta Baarlamaanka cusub.

Madaxweynaha Dowladda wakhtigeedu dhammaaday Shariif Sheekh Axmed oo u waramayay wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegay in horay uu u ahaa hoggaamiyihii Midowga maxkamadaha Islaamiga ah ee xilka ka qabtay sanadkii 2009-ka, wuxuuna ku celceliyay inuu xilka Madaxweynaha isaga degayo haddii laga adkaado.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay warbixinta QM ee ku eedeyneysa madaxda Dowladda inay lunsadeen hantida Qaranka, wuxuuna ku tilmaamay warbixintaasi inay tahay mid been abuur ah oo ay ka dambeeyaan kooxo aan dooneynin inay Soomaaliya ka baxdo marxaladda adag oo ay ku jirto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)