|
Madaxweyne Faroole " Hadii Puntland ay ku qanci weydo dowlada Cusub waan ka tashan doonaa Soomaliya inteeda iyo hogaamiye kooxeedyadana ay yihiin maxkamad sugayaal"
Mogadishu Axad 19 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madexweynaha dawlada Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta boqolaal shacabka soomaaliyeed ee magaalada Garowe ku nool kula tukaday salaadii Ciidul-fitriga garoonka kubada cagta ee Mire aware ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan leh u jeediyay shacabka qaybihiisa kala duwan ee barxadan isugu yimid iyo kuwa kale ee gobollada ee Idaacada Tooska u tabaniya kala socday.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faaroole ayaa sheegay in aan lagu dari karin xildhibaanada hogaamiye kooxeedyadda koonfurta Soomaaliya isagoona ku hanjabay in hadii lagu daro liiska xildhibaanda ay ka tashan doonaanaa Soomaaliya inteeda kale hadana ay u diyaarsan yihiin dastuur iyo nidaamkii ay ku go'i karno.
Faroole ayaa sheegay in hogaamiye kooxeedyaddu ay yihiin kuwii kasoo qaxiyey guryahooda isla markaana laayey dadkoodii reer magaalka ahaa sidaa darteedna wax kale oo u yaalo aysan jirin oo aan aheyn maxkamad la hor keeno taana waxaan u sheegeynaa shaqsiyaadka u doodaayo in ay ka waantoobaan hadaladda macna darradda ah ee aan suurta galka noqon karin ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Anagaa sameynay nidaamka dariiqa nabadda si loo xakameeyo dadka nidaam diidka soomaaliyana loogu sameeyo dowlad federaal oo aan u aragno danta reer Puntalnd inay ku jirto asaga oo sheegay inay ka digayaan in la doorto dad uu u arko federaal diid waa sida uu hadal u dhigaye.
(Halkan ka dhagayso khudbadii Madexweynaha Puntland)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|