|
Madaxweynaha Gal-Hiiraan oo ka warbixiyey socdaal uu maalmahan ku marayey qeybo ka tirsan Galguduud & Hiiraan
Holland Axad 19 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Gal-Hiiraan oo ka warbixiyey socdaal uu maalmahan ku marayey qeybo ka tirsan Galguduud & Hiiraan (SAWIRRO)
Madaxweynaha Gal-Hiiraan C/qaadir Bahdoon oo dhowaan soo gaaray gobolka Galguduud ayaa ka warbixiyey socdaal shaqo oo ay maalmahan ku marayeen qeybo ka tirsan gobolada Galguduud & Hiiraan wefdi uu horkacayey, wuxuuna Bahdoon wareysi uu siiyey saxaafadda gudaha & tan dibedda isagoo ku sugan tuulada Dal-jir ee gobolka Galguduud uu sheegya in wefdigiisu ay muddo ka badan 2 todobaad ku sugnaayeen goboladan (Galguduud & Hiiraan), ayna u kuur-galeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta goboladdan, wuxuuna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa in ay iyagu isku tashadaan, ayna wax wada qabsadaan.
"Gudaha waddanka marka aad timaado ee aad dadkaaga la fadhiisato, la sheekeysato, ogaato baahidooda, dul-duleeladooda & waxa ay u baahan yihiin waxaa markaa kuu muuqanaya sawir ka duwan sawirkii kuu muuqan lahaa adigoo banaanka jooga, dadka degan Galguduud waxey u baahan yihiin nabadgelyo, tacliin, caafimaad & in ay helaan dhaqdhaaqyo ay nolol maalmeedkooda ka soo saartaan, taasina sida keliya ee ay suurtagal ku noqon karto waxey tahay in bulshadda ay gacmaha is qabsadaan, kuna towfiiqeystaan in ay wax aysan iska dhigin iyaga aysan ciddina ka dhigi karin" ayuu yiri Bahdoon.
Bahdoon wuxuu sheegay in ujeedada loo aasaasay maamulka Gal-Hiiraan ay tahay sidii bulshadda ku dhaqan gobolada dhexe ay u heli lahaayeen waxyaabaha daruuriga u ah noloshadda bini'aadamka oo ay ugu horreyso waxbarashadda, caafimaadka & sidii seeska loogu dhigi lahaa bulsho is-jecel, iskuna dan ah.
"Waxaan la fadhiisanay odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka & waxgaradka bulshadda waxaana kala hadalnay sidii la isaga kaashan lahaa in bulshadda goboladan ku dhaqan ay u midoobi lahaayeen" ayuu yiri C/qaadir Bahdoon.









Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|