Somali News
    Hees  

Safiirada Dowladaha Yurub iyo Mareykanka oo Muqdisho yimid sheegayna in maalinta berito ah ay ku egtahay xilka madaxda dowladda Soomaaliya

Mogadishu Axad 19 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Safiirada Dowladaha Yurub iyo Mareykanka oo Muqdisho yimid sheegayna in maalinta berito ah ay ku egtahay xilka madaxda dowladda Soomaaliya.

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray safiirada dowladaha Yurub iyo Mareykanka u fadhiya Soomaliya, waxayna kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan qaramada Midoobay, waxayna sheegeen in maalinta berito ah ay ku eg tahay xilka madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
 
Safiiradaasi dalka soo gaaray ayaa garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho ayaa ka kala socday dalalka Mareykanka, Britain, Talyaaniga Turkiga iyo Augustine Mahega, waxayna shirkooda uga hadleen sida waqtiga loogu talagay loogu qaban lahaa doorashooyinka, islamarkaana loo dhisi lahaa dowladda cusub ee Soomaaliyeed.
 
Danjie Mahiga ayaa sheegay in waqtiga loo qabtay in lagu dhameeyo, islamarkaana dowladda aan wax waqti ah lagu darin si loo dhiso dowlad cusub oo ay yeelato Soomaaliya, wuxuuna sheegay in 20-ka August ay ku egtahay xilka mas’uuliyiinta dowladda marka laga reebo Madaxweyne Sheekh Shariif kaas oo si KMG ah u haynaya xilka.
 
Mahiga ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka go’an tahay sidii ay u dhisi lahaayeen dowlad dhameystiran oo ay yeelato dalka Soomaaliya, iyadoo maalinta Berito lagu wado in kulankii ugu horeeyay uu yeesho Baarlamaanka Cusub, si ay shir gudoon ugu doortaan ninka iyaga ugu da'da wayn.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)